Man United Oo Isku Diyaarinaysa Inay Iska Cayriso David Moyes.

Man United Oo Isku Diyaarinaysa Inay Iska Cayriso David Moyes.

daajis.com:-Shabakada Goal ayaa sheegtay inay heshay warar ku saabsan mustaqbalka tababaraha kooxda Man United David Moyes kadib markii kooxda ay daris lanoqotay natiijo xumo.

Shabakada ayaa sheegtay in maamulka kooxda Man United ay isugu imaan doonaan dhawr shirar kuwaas oo looga hadlayo cidii ay ku badali lahaayeen tababaraha hada layliya kooxda ee David Moyes.
Shabakada ayaa intaa ku dartay in Moyes fursad lasiin doono ilaa kala barka xili ciyaareedka danbe ee 2014/2015 waxaana la sheegay in shaqada laga eryi doono Moyes hadii uusan kooxda kusoo celin sidii ay ahaana jirtay markii uu joogay Ferguson.
Shabakada ayaa sheegaysa in maamulka kooxda ay ka xunyihiin in kooxda looga adkaado laba kulan oo isku xigta Old Trafford kadib guuldaro kasoo gaartay Liverpool iyo Man City oo intuba uga adkaaday min 0-3.
Maamulka kooxda ayaa indhaha ku haaya tababaraha xulka qaranka Holland Louis Van Gaal waxayna ku fikirayaan inay ku badalaan David Moyes hadii uu san kooxda ku soo celin wadadii guulaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada