Mourinho:- Oo Layaaban Xaalka Real Madrid Ee Xili Ciyaareed Kan ”Waxaan Filaayay In Real Madrid Ay Ka Saramari Doonto Kooxaha Kale”.

Mourinho:- Oo Layaaban Xaalka Real Madrid Ee Xili Ciyaareed Kan ”Waxaan Filaayay In Real Madrid Ay Ka Saramari Doonto Kooxaha Kale”.

daajis.com:-Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa ka hadlay kooxdii sii hore ee Real Madrid wuxuuna sheegay inay layaab ku tahay in Real Madrid aysan ku guulaysan horyaalka Spain xili ciyaareed kan.

Dhanka kale Mourinho ayaa isbar bar dhig ku sameeyay horyaalka Spain iyo kan ingiriiska wuxuuna sheegay in horyaalka ingiriisku uu yahay mid adag oo aan fududayn inaad ku guulaysato halka kan Spain uu ku tilmaamay mid u dhexeeya laba koox.
“Waan yaabanahay xoogaa.. waxaan filaayay in Real Madrid ay kasara mari doonto kooxaha kula tartamaya horyaalka xili ciyaareed kan, wayo Barcelona waxay lumisay dhibco badan marka loo fiiriyo 3dii sano ee lasoo dhaafay” ayuu u sheegay Mourinho EuroSport.
Mourinho ayaa isbar bar dhig ku sameeyay labada horyaal ee England iyo Spain wuxuuna yiri:

“Horyaalka ingiriisku wuxuu leeyahay afar koox kuwaas oo ku tartamaya hanashada horyaalka, halka horyaalka Spain uu ka dhexeeyo kaliya laba koox ama seddex koox kuwaas oo ay u dhexayso 2 ilaa 3 dhibic”.
“Dadku waxay u barteen sanadihii u danbeeyay in tartanka horyaalka Spain uu ka dhexeeyo laba koox lakiin hada wuxuu noqday 3 koox”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada