Saldhigyo ay lahaayeen Dagaalyahanada Al-Shabaab oo maanta Duqeyn culus lagu garaacay

Saldhigyo ay lahaayeen Dagaalyahanada Al-Shabaab oo maanta Duqeyn culus lagu garaacay

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Degmada Baar Dheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka Dowlada Kenya ay maanta duqeyn culus ku garaaceen Deegaano katirs Gobolkaasi ay kusugnaayeen Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

Deegaan lagu Magacaabo Tarako ayaa la sheegay in Duqeynta ku dhacday halkaas ay isku uruursanayeen Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo kusugna Gobolkaasi sida ay ku warameen dad kusugan deegaanka la duqeeyay.

Lama oga wali qasaaraha ka dhashay Duqeynta Culus ee maanta lagu garaacay Saldhigyo Al-Shabaab isku aruursnayeen oo kuyaala Gobolka Gedo , manajiro wali wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Al-Shabaab oo ku aadan Duqeyntan.

Dowlada Kenya oo la rumean yahay in Diyaaradaheeda duqeynta geesteen ayaa dhankooda wali wax war ah kasoo saarin Duqeynta maanta la sheegay in lagu garaacay Saldhigyo ciidan ay lahaayeen Dagaalyahanada AL-Shabaab.

Duqeynta manta lagu garaacay Deegaanka Tarako ay kusugnaayeen Al-Shabaab ayaa imaanaya xili xiisado dagaal ay ka jiraan Gobolka Gedo , Al-Shabaab ayaa dhawaan dagaal looga qabsaday Degmada Buur Dhuubo ,waxaana hada cabsi dagaal laga dareemayaa Degmada Baar Dheere oo ah degmada kaliya ee Al-Shabaab hada ka joogaan Gobolka Gedo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada