Daawo Sawirada:- Ra'iisul Wasaaraha oo bulshada rayidka ka codsaday inay kala qeybgalaan isu soo dhoweynta bulshada

Daawo Sawirada:- Ra'iisul Wasaaraha oo bulshada rayidka ka codsaday inay kala qeybgalaan isu soo dhoweynta bulshada

daajis.com:-Ra'iisul Wasaarhaa Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka qeybgalay munaasabada sanad-guurada 6-aad ee Jilayaasha aan Dawliga aheyn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya (SOSCENCA), wuxuuna ka codsaday hay'addaha aan dawliga aheyn iyo ururada bulshada rayidku inay dawladda kala shaqeeyaan isku soo dhoweynta bulshada iyo horumarinta nabadda.

"Waan ku faraxsanahay inaan galabta ka soo qeybgalo munaasabadda sanad-guurada lixaad ee SOSCENCA" ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo ka codsaday in si wada jir ah loogu guntado sidii loo samatabixin lahaa dalka, basle aan lagu eegan oo kaliya dawladda "Dawladda, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka oo isku duuban oo kaliya ayaa ka guuleysan kara caddowga, balse haddii tafaraaruq uu dhoco caddowga ayaa naga guuleysanaya" ayuu mar kale yiri.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha ayaa u balan qaaday ka soo qeybgalayaashii munaasabadda in xukuumadu ay muhiimad siineyso shaqo abuurista iyo fursad siinta dhalinyarada Soomaaliyeed, sidoo kalena ay adkeyn doonaan nidaamka Cadaalada iyo Garsoorka dalka si shacabku u helaan sinaan iyo cadaalad.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada