Daawo Sawir Muujinaya arintaan:- Foolxumada Fadaraalka iyo Fowdada hada tagan waa wax la filaayay

Daawo Sawir Muujinaya arintaan:- Foolxumada Fadaraalka iyo Fowdada hada tagan waa wax la filaayay

daajis.com:-Filanwaa ma ahan fowdada iyo fashilka fadaralka laga dhaxlay ee waa wax la filaayay, tan iyo markii ey soo ifbaxaday Somalia in ey qadaneyso nidamka fadaralka waxaa si weyn loo hadal hayay sida ey kusuurta galeyso dal colaadi ragadiyeen qabiil qabiil isu diriray gobol gobol ukala xirmay dib u hishisiina loo sameyn, nidamkan marka owdhagaha shacabka , aqoonyahanka iyo inta wax garadka ah kusoo dhacay diidma xogan ayey kala horyimaden, balse siyasinyinta horkaceysay nidaamkan waxey ahayeen dad unugul aragtida reer galbeedka anan dhag jalaq usiineyn dadka qaba ineysan faa'iido ugu jirin Somalia nidamka fadaralka, hadaba su’aasha isweydinta mudan ayaa waxey tahay aragtida aheyd Somalia halaga dhigo fadaral maxa laga dhaxlay jawabta qof walba oo Somalia usoo baxeysa ayaa ah colaad, isqabqabsi beeleed, gobolada oo midba midka kale col looga dhigay iyo is dhaxgalka gobolada oo cariiri la galiyay.

Aan dib ujaleecno mamul goboleedki ugu horeyay ee dowladan aqoonsatay diidma kadib sida ey ku timid iyo marxaladaha ey wadanka galisay mamulka Jubba oo ey kumidobeen sadaxda gobol J.hoose, J.dhexe iyo Gado ayaa waxaa hareeyay khilafaad fara badan oo beelaha daga goboladas dhexmaray walina udhaxeya iyo is jiijiid dhiig kudaatay anan wali xal loo helin, mamulka jubba sida ow ku unkamay ma aheyn mid dadka deganka ey kuwada qanacsanayeen hasa ahatee waxaa udub dhaxaad u ahaa siyaasiyin Somali ah iyo garab ow mamulka ka helayay Kenya iyo Ethiopia ugu danbeyntiina keentay iney aqoon sato dowlada xassan sheikh, sidaa si la mid ah ayaa waxaa maanta tagan dowlad goboleedyo isbarbar yacayo midkastana sheganayo inow asiga yahay kan sharciga ah dadkana ku qanacsanyahay, ayadoo beel walba tartan ugu jirto sida aan looga hor hanan laheyn madaxweynaha mamulkaas, tusaale hadan soo qadano mamulka Koofur galbeed ee looga dhawaqay Baydhabo kana koban lix gobol iyo mid leh waxa sharciya sadax gobol isla beydhabo laga wado ku dhawaqistisa horeyna usii shegtay dowladu iney aqoonsan donto sadaxda gobol su’aasha isweydinta mudan ayaa waxey tahay dalku intaa ma uqeybsami karaa anagoo ogsoon shalay in asna lagu dhawaqay mamulka shabelle state, shabellaha hoose kaliya ayaa waxaa isla sheegtay sadax maamul oo kala duwan labo beydhabo ka jirta iyo kan shabebelle state sidaa miyuu uqeybsami karaa shabelaha hose waa foolxumada laga dhaxlay fadaralka dadkane gobol gobol isugu diray.




Intaa kuma ekaan doontee waxa la filaaba waa maamula intaa kasii badan dhammaana isdiidaya iney soo ifbaxan, Somali iney sidaa ukala qob qobnaato is colaadiso waxaa sabab looga dhigaya fadaralka.


Dadka qaar wexey qabaan in Somalia ey qaadato nidamkan fadaralka waxaa ka shaqeeyay dad ama dowlado aanan marnaba daneynen Somalia in loo helo xasilooni wana tan manta inoo muuqata, dad is dilay walina hubka isu heysta fakarka salimka ah ma qabo in dalka nucas ah fadaral laga hir galiyo.


Tan iyo markii siyaad bare talada laga tuuray waxaa wadanka soo maray dowlado aanan shacabka wax qabadkooda uriyaqin haba ku kala duwanaadan marxaladaha wadanka ey so marsiyeen,

Somalia wexey leedahay kheyraad Bad iyo Bariba dadkeeda kabadan balse waxa jira dowlado uhanqal tagaya Kheyradka dhax ceegaaga Somalia.

Dowladaha jaarka ah ey ugu tunka weyntahay Ethiopia ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyinta qaar waxey qabaan iney damac ugu jiro xeebaha Jubooyinka gar ahan Kismaanyo ,shakigaas ayaa waxaa sii xoojinaya kadib markii ey soo ifbaxday kasarida cidamada Kenya melaha ey kajogan Juboyinka gaar aha kismanyo.


Gulufka colaadeed oo dhar badalashada ah ey horbodeyso Ethiopia ayaa dadbadani shaki kamuujinayaan damaca kadanbeya ayadoo loo sababeynaayo isbarbar yaaca fadaralisamka keenay.


Shacabka Soomaaliyeed ayaa wali waxaa dhagahooda kasii guuxaya xasuuqii ey Ethiopia ka geysatay Koofurta Somalia 2006 – 2009 kii gaar ahaan magalada muqdisho sidee dad dhibkas loo geystay xag dhaqale iyo midnafeedba leysu orankara dadkii geystay ayaa isla ayagii nabad udhalinaya waa su’aal shacabka somaliyeed kumaqan Jawaabna ubaahan.


Ugu danbeyntii waxan faladeyda kusoo gunaanadayaa siyasad xumada wadanka ka jirta, dacad la’aanta diinta ey ku dhaarten iyo u dhaga nuglashaha dowladaha danaha gaarka kaleh wadanka ayaa sabab unoqon doonto in wadanka dabin anan laga soo kabsan Karin kudhaco.



W/Q: Eng Ahmednur Sacdi Sh.Mohamoud (eng Sacdi)
E-mail: axmadsacdi143@hotmail.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada