Sawirro:- M/wayne C-wali Gaas Oo Dib Ugu laabtay Caasimadda Puntland ee Garowe

Sawirro:- M/wayne C-wali Gaas Oo Dib Ugu laabtay Caasimadda Puntland ee Garowe

daajis.com:-Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi-weli Max'ed Cali Gaas iyo wafdi uu horkacayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta dib ugu laabtay caasimadda Puntland ee Garowe.

Garoonka diyaaradaha ee Garowe waxaa wafdiga Madaxweyne Gaas kusoo dhoweeyey madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdi-xakiin C/llaahi Camey,masuuliyiinta labada gole ee Dowladda, taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed General Saacid ,saraakiisha ciidamada Puntland, ciidanka daraawiishta iyo kooxda baanboyda,qaybaha bulshada iyo xubno kale oo muhiim ah.

Madaxweyne Gaas waxa uu salaan ka qaatay ciidanka daraawiishta oo uu hogaminayo taliyaha ciidanka Puntland General Siciid Dheere, kooxda baanboyda ayaa madaxweynaha u garaacday astaanta qaranka waxaana kadib loo gudbiyay aqalka madaxtooyada ee Garowe.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta Iyo Xiriirka Caalamiga ah Cali Axmed Faatax, Wasiirka Howlaha Guud Cabdi-rashiid Max'ed Xirsi , Madaxa Prortocalk-ka xafiiska madaxweynaha Mukhtar Cabdisalan iyo masuuliyiin kale.

Ku Xigeenka Madaxweynaha Puntland Cabdi-xakiin Xaaji C/llaahi Cumar Camey ayaa ayaa Madaxweynaha soo dhoweeyey wuxuuna sheegay in Madaxweyne Gaas uu ka warami doono safarkiisii Djibouti iyo waxyaalihii ay kala soo kulmeen.

Madaxweyne Gaas waxauu saxaafada uga warbixiyay safarkii  ay ku tageen isaga iyo wafdigiisu dalka Djibouti wuxuuna sheegay inuu ahaa safar shaqo oo mudo kooban qaatay.

Madaxweynaha ayaa tilmamay inuu lasoo kulmay madaxda sare ee Djibouti isla markaana ay diyaar u yihiin inay Puntlamd iyo shacabkeeda taageero buuxda siiyan loona baahan yahay in aynu ka fa'iidaysno.

"Dowladda Djibouti iyo shacabkeedu si wanaagsan ayay noo soo dhoweeyeen , waayna noo muujiyeen inay diyaar u yihiin taageero buuxda oo ay siiyaan Puntland, sidaa darteed shacabka ayaa laga rabaa inay ka fa'iidaystaan fursadaha ay dalalka deriska ahi ina siinayaan" Ayuu  Yiri Madaxweyne Gaas.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada