Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

daajis.com:-Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xildhibaanadii la socday ee ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii ay u yeereen madaxda dowladda.

Madaxda dowladda ayaa la sheegay inay ku wargeliyeen Shariif Xasan inuu isaga soo tago Baydhabo, si aanay dhibaato uga dhalan joogitaankiisa, iyadoo xaalad kacsanaan ay ka jirtay magaalada intii uu ku sugnaa.

Wararka aan ka heleyno garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad gaar ah oo siday Shariif Xasan iyo Xildhibaano gaaraya 20-meeyo ay ka soo degtay garoonka.

Saddexdii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka jiray banaan bax rabshado watay oo looga soo horjeeday joogitaanka Shariifka, iyadoo dibax baxyadaas oo galay maanta maalinkii afaraad uu ku dhintay wiil 16-jir ah.

Dibad baxayaasha ayaa cadaadis ku saarayay Shariif Xasan inuu ka tago Baydhabo, waxaana intii uu joogay magaalada ammaankiisa la wareegay Ciidamada Itoobiya, waxaana dhowr jeer dadweynaha careysan ay hor-gooyeen albaabkii looga galayay hoygii uu ka degenaa Baydhabo

Dibad baxayaasha ayaa ku guuleystay inay hor-istaageen ujeedkii Shariif Xasan u tagay Baydhabo oo ahaa dhismaha maamulka saddexda gobol, waxaana dadweynaha ay muujiyeen isku duubni.

Xiisadaha siyaasadeed ee ka jiray Baydhabo maalmihii u dambeeyay ayaa ka dhashay shirar iska soo horjeeday oo lagu dhisayay maamul lix gobol iyo saddex gobol, inkastoo Maamulka lixda gobol loo doortay Madaxweyne.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada