Steven Gerrard: Waxaan Ku Rajo Weynahney Inaan ku Guuleysano Horyaalka.

Steven Gerrard: Waxaan Ku Rajo Weynahney Inaan ku Guuleysano Horyaalka.

daajis.com:-Steven Gerrard oo ka caawiyay kooxdiisa Liverpool inay soo gasho kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka Premier League ayaa yiri: Waan ku guuleysan karnaa horyaalka.

Safar ay ku tagayaan Manchester United 16ka March ayaa ah kulankooda u soo horeeya, waxaana Gerrard uu aaminsan tahay inay kooxdiisa koobka horyaalka hanan karto garaa ahaan haddii ay ku badiyeen Old Trafford.
Waxa uu yiri sida ay qortay The Sun: “Waxaan dirnay fariin. Arsenal waa guuldareysatay anagana waan badinay, waana hubaa in dad badan oo Premier League ku xeeran inay indhaha nagu hayaan sababtoo ah kama qeybgaleyno tartamada Yurub, kulan kastana waan caaboonahay.
“Waxaa hartay 10 kulan, hubaashiina tartanka horyaalka waan ku jirnaa laakiin waa inaan isdejino.” ayuu yiri kabtan Gerrard kaasoo dhaliyay rigoore xilli danbe ka dib goolashii Luis Suarez iyo Raheem Sterling.
Laakiin tababare Brendan Rodgers ayaan dooneynin in ciyaartoydiisa ay ka fekeraan hanashada horyaalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada