Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Baydhabo iyo Madaxweynaha oo kulan la leh Ergada 6-da Gobol

Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Baydhabo iyo Madaxweynaha oo kulan la leh Ergada 6-da Gobol

daajis.com:-Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa maalintii labaad shirar gaar gaar ah ka wada magaalada Baydhabo, halkaasoo dhowaan looga dhawaaqay Madaxweynayaal labo maamul oo iska soo horjeeda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa goor sii horeysay maanta barqadii la kulmay Ergada Maamulka lixda Gobol iyo Mas'uuliyiinta maamulkaas, waxaana ilaa iyo xad Gudoomiyuhu ku guuleystay in Gudi ay iska soo xulaan, ay la kulmaan Madaxweynaha.

Prof. Jawaari ayaa Xarunta ADC oo saldhig u ah Maamulka Lixda Gobol wuxuu kaga dalbaday odayaasha iyo maamulkaas inay xaalada dejiyaan, isla markaana wax walba wada hadal laga geli doono.

Warar ku dhow dhow kulankaas ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu u cadeeyay labada maamul in aanay dowladda aqoonsaneyn, isla markaana wixii hada ka dambeeya la mideynayo labada dhinac si maamul Koofur galbeed loo dhan yahay loo sameeyo.

Dhinaca kale waxaa haatan ka socda Xerada 60aad oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha kulan ay leeyihiin Madaxweynuhu iyo Ergada lixda Gobol, waxaana kulankaas marka uu soo dhamaado Madaxweynuhu la kulmi doonaa Ergada saddexda Gobol oo ah odayaasha iyo salaadiinta.

Madaxweynaha ayaan la kulmi doonin Madaxweynayaasha lagu doortay Baydhabo oo kala ah Madoobe Nuunow oo hogaamiya Maamulka lixda Gobol iyo Madaxweynaha Saddexda Gobol Maxamed Xaaji Cabdinuur, waxaana taa bedelkeed uu dalbaday inuu arko ergadii labadii dhinac dooratay oo isugu jira odayaasha, salaadiinta iyo malaaqyada Koofur Galbeed.

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in banaan bax uu ka socdo magaalada Baydhabo, kaasoo ay dhigayaan taageerayaasha Maamulka Lixda Gobol oo la sheegay inay ka biya diidan yihiin qorshaha madaxda dowladda wadaan.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dadaal badan ugu jira sidii loo soo afjari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo ee la xiriira maamulada iska soo horjeeda.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada