Daawo Sawirada:- Madaxweyne Abdiweli Gaas oo furay kalfadhiga Baarlamaanka Puntland

Daawo Sawirada:- Madaxweyne Abdiweli Gaas oo furay kalfadhiga Baarlamaanka Puntland

daajis.com:-Madaxweynaha Dawladda goboleedka Puntland Dr.Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah u furay Kal-fadhiga Baarlamanka kaasi oo dib u eegis loogu samaynayo miisaaniyadda Dawladdu ku shaqayn doonto sanadka 2014-ka, kaasi oo ay Baarlamaanka usoo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Kal-fafadhiga Baarlamaanka ee maanta waxaa soo xaadiray 48-mudane, waxayna maalmaha soo socda ka doodi doonaan miisaaniyadda Dawladdu ku shaqayn doonto sanadka 2014-ka, iyadoo laga sugayo inay ansixiyaan.

Madaxweyne Cabdi-weli ayaa ugu horrayn baarlamaanka uga xog waramay safarkiisii uu kusoo maray Gobolada Bari iyo Kar-Kaar isagoo u sheegay in safarkaasi uu qayb ka ahaa balanqaadyadii Dawladu samaysay ee ku salaysnaa in shacabka loogu tago meel kasta oo ay ay joogaan.
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayuu Madaxweynuhu ku adkeeyey in ay tagaan deegaanada laga soo doorto, si ay u ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin shacabka reer Puntland ee ay wakiilka ka yihiin.
Cabdi-weli Max’ed Cali ayaa Baarlamaanka u sheegay in Puntland iyo shacabkeeduba ay yihiin dhul iyo dad nabad ah loona baahan yahay in halkaasi laga sii wado.
Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay kal-fadhiga baarlamaanka ee dib u eegista loogu samaynayo miisaaniyadda dowladda ee 2014.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax oo kulanka joogay ayaa soo jeediyay warbixin ku saabsan miisaaniyadda ay Dowladdu ku shaqaynayso, taasi oo ay isku soo duba ridday Wasaaradda Maliyaddu.
sidoo kale wasiirku waxa uu ka codsaday Baarlamaanka inay ka doodaan miisaaniyadda, isla markaana ay ansixiyaan si loo dar dar galiyo shaqooyinka kala duwan ee Dowladda u yaalla.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada