Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay eedeysane horay dil u geystay

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay eedeysane horay dil u geystay

daajis.com:-Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah maanta fulisay eedeysane oo horay ugu dilay marxuun ka tirsana ciidamada xooga dalka. 

Maxkamada darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa manta xukun dil ah ku riday Maxamed Isaaq Cabdi oo horay ugu dilay marxuun ka tirsanaa  ciidamada xooga dalka.

Xukunka ayaa ka dhacay xarunta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho. Xukunka waxaa warbaahinta u akhriyay Gaashaanle Liibaan Cali Yarrow, Gudoomiyaha maxkamada darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ayaa sheegay in eedeysanaha uu racfaan qaadan karo hadii aanu ku qanacsaneen qaabka xukunka loo qaaday, loona gudbiyo maxkamada sare ee dalka.

ma ahan markii ugu horeysay oo maxkamada darajada koowaad ee ciidamda qlabka sida ee Soomaaliya ay xukun ku rido rag lagu eedeyay in ay geysteen dilal.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada