63 Jir Ganacsade ah oo Calooshiisa Laga Helay Dahab Dhan 396 Gram ah, Kadib Markuu Bukooday

63 Jir Ganacsade ah oo Calooshiisa Laga Helay Dahab Dhan 396 Gram ah, Kadib Markuu Bukooday

daajis.com:-Ganacsadahan waxa uu in badan ka cabanaayey garaac iyo matag badan, kaasoo uu tilmaamay inuu u baahan yahay qalliin xagga caloosha ah, halkay dhakhaatiirtu ka sugaayeen koobka uu liqay waxay ku arkeen dahabkan tirade badan.Nin u dhashay dalka Hindiya oo 63 jir ah, isla markaana ganacsade ah, ayaa dhakhaatiir baadhitaan ku samaysay amakaageen, kadib markii ay calooshiisa ugu tageen 12 xabbo oo dahab ah, kaasoo xabadiiba dhan tahay 33g.

Ninkan oo la geeyey cusbitaal ku yaal magaalada Delhi ee dalka Hindiya bishan horraanteedii, kasoo sheegay inuu liqay koob quraarad ah oo biyaha lagu cabo, doonayana in laga saarayo, balse dhakhaatiirta ayaa fajacday markay dahabkan ugu tageen calooshiisa. 

Ganacsadahan waxa uu in badan ka cabanaayey garaac iyo matag badan, kaasoo uu tilmaamay inuu u baahan yahay qalliin xagga caloosha ah, halkay dhakhaatiirtu ka sugaayeen koobka uu liqay waxay ku arkeen dahabkan tirade badan.Ciidammada ilaalada kastamada Delhi, ayaa ninkan su’aalaya inuu dahabkan

Waxa uu na soo gaadhay April 7, isagoo raadinaaya qalliin lagaga saaro koob quraarad ah kuwa biyaha lagu cabo ah in calooshiisa laga saaro, kaasoo uu tilmaamay inuu si kedis ah u liqay, waxaannu ku eegnay X-ray, waanay noo muuqan waayey, markii aanu ogaanay in dahabku ku jirana, waannu amakaagnay, haddii ay maalmo dheeraad ah ku sii jiri lahaayeena waxay ku keeni lahayd in dhiig bax badan ku yimaado mindhiciraduna googo’aan,” ayuu yidhi khabiir dhinaca qalliinka ah oo la yidhaa Ganga Ram oo cusbitaalka Delhi ka hawlgala.

Dalka Hindiya, ayaa inta badan lagu yaqaana in dadkeedu calooshooda ku qariyaan dahabka si ay saraakiisha kastamada uga badbadaan, kadib markii laga soo saaray xeer adag oo lagu ciqaabo dadka sida tuugada u iib geeya dahabka.

Ibraahim Khadar Siciid.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada