DAAWO SAWIRADA:- Ardayda Soomaalida ee Dhadhaab oo warqado la talin ah u diray caruurta Qaxootiga Siiriya

DAAWO SAWIRADA:- Ardayda Soomaalida ee Dhadhaab oo warqado la talin ah u diray caruurta Qaxootiga Siiriya

daajis.com:-Arday Soomaaliyeed oo ku jira xerada Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa warqado ay u direen caruurta Siiriya ee ku jira xerooyinka qaxootiga dalka Jordan guddoomay.

Warqadaha ay direen Caruurta Soomaalida ee ku jira xerooyinka qaxootiga Dhadhaab waxay kula talinayeen caruurta Siiriya ee ka barakacay dagaalada ka socda dalkooda in ay u dul qaataan una adkeystaan dhibaatada ay ku nool yihiin, meelna ugu tegin waxbarashada oo xerooyinka ay ku jiraan kasii wataan.

Ujeedada  laga lahaa fariimahan ay direen caruurta Soomaalida ayaa ah, maadaama caruurta Soomaaliyeed mudo 23 sano qaxooti ku jireen, kuna dhasheen dagaallo, mudo dheerna ku noolaa xerooyin qaxooti oo dalkooda aheyn in ay ogaadaan caruurta kale ee Siiriya.

Dalka Siiriya ayaa waxaa ka socda dagaalo sababay barakac caruur fara badan, kumanaan kalena ay ku dhinteen.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada