Manuel Pellegrini Oo Diidan Inuu Ka Quusto Koobka Horyaalka Premier League.

Manuel Pellegrini Oo Diidan Inuu Ka Quusto Koobka Horyaalka Premier League.

daajis.com:-Manuel Pellegrini ayaa sheegay inuusan meelna ku tuureynin hamigiisa hanashada horyaalka.

Kooxdiisa kooxda Manchester City ayaa waxaa dad badan ay ka saareen tartanka horyaalka ka dib afar maalmood oo musiibo ah oo soo martay markii ay guuldarro ka soo gaartay Liverpool islamarkaana ay barbaro kala kulantay Sunderland.
Laakiin guuldaradii lama filaanka aheyd ee Chelsea gurigeeda ku soo gaartay ayaa cadeysay inaan inaan weli wax la go’aansanin, waxaana tababaraha City uu filanayaa in drama badan uu dhaco seddexda isbuuc ee ugu danbeeya.
Waxa uu yiri: “Waxba igama gelin waxa ay ku fekerayaan kooxaha kale. Waxaan ku celinayaa waxaa heysanaa shan kulan kale, waana qasab inaan badino iyaga dhan.
“Waxa ugu fiican aan sameyn karno waa inaan caawino shaqsiyadeena. Liverpool iyo Chelsea waa inay ciyaaraan kulamo badan, barbaro waa ay ku geli karaan Anfield.

“Waxaa dhici karta in barbaro ay gasho Chelsea ama guuldarro soo gaarta Liverpool. Sidaasi darteed waa qasab inaan sii wadno dadaalkeena. Waxa ay u dhumin karaan dhibco sida aan anagaba u dhuminay.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada