Xildhibaan ku geeriyooday qarax miino oo loogu xeray baabuurkiisa

Xildhibaan ku geeriyooday qarax miino oo loogu xeray baabuurkiisa

daajis.com:-Xilibaan ka tirsan Baarlamanka DF oo lagu magacaabo Isaaq Maxamed Riino ,ayaa goordhow ku dhintay qarax miino oo baabuurkiisa loogu xiray. 

Xilibaanka ayaa ka soo baxay hoygii uu ka deganaa degmada Xamar weyne, Waxaana baabuurkiisa uu kula qarxay agagagaarka Daarta Salaam Bank ee suuqa degmada Xamarweyne.

Qaraxa ayaa loo maleynayaa inuu ka dhashay miino loogu xiray baabuurkiisa taasoo kula qaraxday waxyar kadib markii uu kasoo dhaqaaqay gurigiisa.

Mudanaha ayaa dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka hase yeeshee waxaa uu u geeriyooday dhaawaca ka hor intaan isbitaalka la geynin.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada