Booliska Kenya oo 100 Ajaaniib oo Soomaali ku jirto Ku Qabqabtay Magaalada Mombaasa

Booliska Kenya oo 100 Ajaaniib oo Soomaali ku jirto Ku Qabqabtay Magaalada Mombaasa

daajis.com:-Ciidamada booliska wadanka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay magaalada Mombaasa ka sameeyeen hawlgal ay kusoo qabqabteen dadka ajaaniibta ah ee sida sharci darrada ku jooga dalkaasi.Hawlgaladan ayaa lagu soo xirxiray dad gaarayaa 100 ruux waxaana ku jira dad Soomaali ah oo la sheegay inay ka mid yihiin qoxootiga ku nool wadanka Kenya.
Booliska magaalada Mombaasa ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ay ku kala soocayaan dadkaasi la soo xirxiray kuwa heysta kaararka qoxootinimada ee loo yaqaano Aliens iyo kuwa aan heysan ee sida sharci darraa ku jooga dalka Kenya, waxaana dadka haatan lagu hayaa saldhiga booliska ee ku yaalla bartamaha Mombaasa. Wargeyska the Standard ee ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay in saraakiisha booliska gobolka Xeebta ee Mombaasa ay sheegeen in hawlgaladan ay qeyb ka yihiin hawlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada lagu tilmaamay, waxaana booliska Mombaasa ay sheegeen inay hawlgaladan bilaabeen kadib markii dad ka soo cararay magaalada Nairobi oo hawlgallo dhawaan ka socdeen ay soo galeen magaalooyinka kale ee ay ka midka tahay Mombaasa.
Magaalada Mombaasa oo ah magaalo xeebta ku taalla ayaa ah isha ugu weyn ee dalxiiska wadanka Kenya oo dhaqaale badan ka soo galo Kenya, waxaase magaaladan ay dhowaanahan xarun u noqotay rabshado u dhexeeya kooxaha kirishtanka iyo dad Muslimiin ah oo magaalada degan iyadoo booliska wadanka Kenya ay isku dhexeen marar badan dadka Muslimka ah.
Dilal qaarkood lagu eedeyan ciidamada booliska Kenya ayaa sidoo kale ka dhacay Mombaasa gudeheeda kuwaasoo dad rayid ah si qarsoodi ah loogu dilay ayna ku jiraan illaa saddex wadaado Muslimiin ah oo lagu eedeeyay inay fikir ahaan u taageeri jireen ururka Al Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 21:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada