Daawo sawirada:- Booqashadii Madaxweynaha ee Baydhabo iyo kulamadii odayaasha dhaqanka

Daawo sawirada:- Booqashadii Madaxweynaha ee Baydhabo iyo kulamadii odayaasha dhaqanka

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay maanta Muqdisho ka dib booqsho labo habeen qaadatay ee uu ku joogay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay. 

Madaxweynaha ayaa wada-hadallo iyo la tashiyo la soo sameeyey qeybaha kala duwan ee Bulshadda kuna dhiiro-geliyey in artagtida kala duwan lagu xaliyo wadahadal ,dib-uheshiisiin, is-afgarad iyo nabad. 

Waxaa uu Madaxweynaha ka mahad celiyay sida loogu soo dhaweyey magaalada Baydhabo isla-markaana ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka inay midnimo muujiyaan .

“Maanta fursad ayeynu heysanaa waa inaad isku dulqaadataan oo aad meel wada fariisataan si mar walba midnimadda loo ilaaliyo. marar badan ayey dhibaato ka timid is-maqli waa iyo dulqaad yari. Dowladda ayaa hormuud u ah wax walba oo dalka ka socda iyada ayaana masuuliyadda leh marka waa in Dowladda looga dambeeyo waxyaalaha loo igmaday” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii Hogaamiye dhaqameedyadda iyo dhammaan dadkii kale ee uu la kulmay Madaxweyanaha ayaa ka mahad-celiyey booqshadda labadda maalmood ahayd ee uu Madaxweynahu ku joogay Baydhabo. Sidoo kale Madax Dhaqameedyada Ballan qaaday inay sii wadayaan wadahadaladda Dowladdana la shaqeynayaan.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada