Daawo Sawirada:- Maamulka Jubba oo Dakada Kismaayo kala soo dagay gaadii badan oo Nuuca Dagaalka ah

Daawo Sawirada:- Maamulka Jubba oo Dakada Kismaayo kala soo dagay gaadii badan oo Nuuca Dagaalka ah

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Dakada Magaaladaasi laga soo dajiyay gaadiid badan oo nuuca Dagaalka ah ay leeyihiin Maamulka KMG ee Jubba.

Gaadiidkan ay lasoo dageen Maamulka Jubba uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe ayaa gaaraya ilaa 40-Xabo oo nuuca Soomaalidu u taqaan Cabdi Bilaha laguna xiro Qoryaha daran dooriga u dhaca ee Dagaalada loo adeegado.

Saraakiil Katirsan Maamulka Jubba ayaa laga soo xigtay in gaadiidkan lagu soo iibiyay lacag uu bixiyay Maamulka Jubba , waxaana gaadiidkan lagu fuufin doonaa Astaamaha kala duwan Ciidanka Jubba ,kadina waxaa loo qeyb doonaa ciidamada Maamulkaasi si ay ugu hool galaan.

Maamulka Jubba ee hada kataliya Magaalada Kismaayo ayaa dakada Magaaladaasi waxa ay kala soo dagaan hub iyo gaadiid dagaal oo qaarkood soo iibsadeen, halka kuwa kalana ay ka helaan Dowlado ay saaxiib yihiin Maamulkaasi sida Kenya iyo Itoobiya.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada