Daawo Sawirada:- Nin Moroccan ah oo boorso ku qariyay gabar uu dhalay oo lagu qabtay dalka Spain+warbixin

Daawo Sawirada:- Nin Moroccan ah oo boorso ku qariyay gabar uu dhalay oo lagu qabtay dalka Spain+warbixin

daajis.com:-Nin u dhashay dalka Morroco ayaa lagu qabtay isagoo doonayay in uu si qarsoodi ah ku geliyo dalka Spain gabar siddeed sano jir ah oo uu dhalay.

Ayham oo 38 sano jir ah ayaa ku riday boorso gabadhiisa Haniya Kanaan ayaa ka galay dalka Spain magaalada Tarifa isagoo baabuur uu watay kursiga dambe saarnayd ay ku dhex jirtay gabadhiisa Haniya.

Hase ahaatee kanaan oo haysta fasax uu ugaga shaqeysan karo dalka Spain ayaa waxa uu wajahayaa ganaax ah in uu doonayay in uu si qarsoodi ah ku geliyo Spain gabadhiisa si ay nolol wanaagsan u hesho,balse xaakim ayaa u fasaxay in gabadhiisa ay kula noolaato dalka Spain inta uu haysto fasaxa shaqada uuna waxbarasho geyn karo gabadhiisa.

Haniya ayaa la geeyay isbitaal si loogu baaro waxayna dhakhaatiirtu sheegeen in ay nasiib leedahay inay noolaato kadib markii meel aan hawo badan lahayn muddo dheer ku dhex jirtay.

Dhakhaatiirta ayaa waxa ay sheegeen in ay halis u ahayd gabadhan in ay maskaxda ka dhaawacanto kadib markii muddo ku xirneyd boorsada, waxaana gabadhan lagu arkay calaamado ah in ay ogsijiin yari ay hayso.

Haddii ay dheeraan lahayd mudada ay ku sugnaayeen xuduuda waxaa suurtogal ahaan lahayd in ay gabadhan ay geeriyooto.

Aabaha gabadhan ayaa la xiray markii uu joogay dekeda Tariga oo ku taal koofurta Spain taasoo maraakiib ay hore iyo gadaal isaga kala gooshaan Waqooyiga Afrika. Waxana la sheegay in ninkan uu ka soo laabanayay fasax uu ku tegey dalkiisa.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada