Daawo Sawirada Qaraxyo dad badan ay ku dhinteen oo maanta ka dhacay Goob Basaska laga raaco oo kutaala Magaalada Abuja

Daawo Sawirada Qaraxyo dad badan ay ku dhinteen oo maanta ka dhacay Goob Basaska laga raaco oo kutaala Magaalada Abuja

daajis.com:-In ka badan 70-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen labo qarax oo waa weyn oo maanta ka dhacay goob Basaska laga raaco oo kutaala Magaalada Abuja ee Caasimada Dalka Nageria.



Qaraxyada ayaa ka dhacay Goob Mashquul badan oo laga raaco Basaska oo kutaala Magaalada Abuja , waxaana qaraxyadaasi ay sababeen dhimasho iyo dhaawacyo aad u badan , waxaa sidoo kale ku bur buray basas badan.

Qof goob jooge ahaa ayaa sheegay in Qaraxyada ay galaafteen nolosha dad badan , waxa uuna intaa raaciyay in Meydadka lakala garan waayay, kadib markii qaar badan oo dadkii halkaasi kusugnaa ay jirkooda gubteen.

Abbas Idris, oo ah Madaxa Abuja Emergency Relief Agency ayaa Idaacada BBC-da u sheegay in ay xaqiijin karaan dhimashada dad gaaraya ilaa 71-qof iyo dhaawacyo gaaraya ilaa 124, waxa uuna intaa raaciyay in ay surto gal tahay in qaaaruhu intaan ka bato.

Afhayeen u hadlay Booliiska oo lagu magacaabo Frank Mba ayaa isna shaaciyay in Weerarka manta uu ka dhashay qasaaro xoogan oo isugu jira Dhimasho iyo dhaawac , waxa uunta intaa raaciyay in 16 oo Nuuca Basaska Raaxada ah iyo 24-mini Bus ah in ay ku gubteen Qaraxyadaasi.

Ilaa hada ma jiraan cid sheegatay Masuuliyada Weerarkan maanta dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay goobta Basaska laga raaco ee kutaala Magaalada Abuuja , waxaana la tuhmayaa in weerarkan ka dambeeyeen Kooxda Boka Haram oo inta badan looga bartay Qaraxyada iyo Weerarada ka dhaca Dalka Nageria.

.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada