Warar Sheegaya in uu is casilay Mid kamid ah Gudoomiye Ku xigeenada Gobolka Banaadir kamaal guutaale

Warar Sheegaya in uu is casilay Mid kamid ah Gudoomiye Ku xigeenada Gobolka Banaadir kamaal guutaale

daajis.com:-Warar laga laga helayo ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in gudoomiye ku-xigeenkii maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca siyaasada iyo Dimuquraadiyada Kamaal Guutaale uu xilkaas iska casilay.

Masuulkan ayaa horey u ahaa agaasimaha Xarunta Madaxtooyada Somalia , hase ahaatee Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa jagadaas ka qaaday una magacaabay xilka uu hadda iska casilay.
Wararku waxay sheegayaan in Kamaal Guutaale uu warqadiisa iscasilaadiisa u gudbiyey madaxweynaha Somalia 48 saac ka hor, iyadoo madaxweynauhuna uu ka qabtay.
Si rasmi ah looma oga sababta uu isku casilay gudoomiye ku-xigeenkii dhinaca siyaasada ee maamulka gobolka Banaadir Kamaal Guutaale, isagama kama uusan hadlin, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya inuu saluugay xilkaas uuna u arkay inuusan u qalmin.
Ma jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Masuulkan is casilay ,waxaana la filayaa in waqtiyada soo aadan ay soo baxaan Warar ku aadan is casilaada Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee Dhinaca Siyaasada iyo Dimuquraadiyada.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 01:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada