Dagaal Culus Oo Khasaara Nafeed Sababay Oo Ka Dhacay Degaana Ka Tirsan Gobolka Hiiraan.

Dagaal Culus Oo Khasaara Nafeed Sababay Oo Ka Dhacay Degaana Ka Tirsan Gobolka Hiiraan.

daajis.com:-Xiisad weyn ayaa ka taagan magaalada xeebta ku taal ee Mombasa, kadib markii la dilay wadaad caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Sheekh Abuubakar Shariif Ahmed oo loo yaqaanay Makaburi.
Qaar kamid ah ehelada ayaa ku eedeeyay dilka inay ka dambeeyeen ciidamada Kenya, waxaana dilkiisa uu daba joogaa dilal horay loogu geystay Mombasa wadaado caan ahaa.
Makaburi ayaa la dilay, xilli uu ka soo baxay Maxkamad dacwad uga socotay, waxaana toogtay dabley aan heybtooda la garan.
Wadaadkan ayaa ahaa nin aan la gamban afkaartiisa, waxaana ay dowladda Kenya horay ugu eedeysay inuu xiriir la leeyahay Kooxda Al-Shabaab.
Goor sii horeysay ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey waxaa ay Makaburi ku eedeeyay inuu taageero Al-Shabaab, isla markaana uu dhaqaale siiyo.
Makaburi ayaa afar bilood ka hor wareysi uu siiyay BBC waxaa uu ku sheegay inuu ka war haayo in ciidamada Kenya ay doonayaan inay dilaan.
Ugu danbeeyntii waa wadaadkii saddexaad oo lagu dilo magaalada Mombasa, tan iyo sanadkii 2012, waxaa horay magaaladaas loogu dilay sheekh Aboud Rogo iyo Sheekh Ibraahim Cumar oo sanadkii la soo dhaafay la dilay, kuwaasoo dilalkooda ka dhashay rabshado.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada