Faah Faahin ka soo baxaysa halka ay sal dhigteen Malayshiyadii maalin kahor qabsatay Degmada Taleex

Faah Faahin ka soo baxaysa halka ay sal dhigteen Malayshiyadii maalin kahor qabsatay Degmada Taleex

daajis.com:-Wararka aanu ka helayno Gobolka Sool ayaa waxa ay ku waramayaan in ciidanka Maamulka lamagac baxay soomaaliland ay ku sugan yihiin Deegaanka Hol-Hol oo qiyaasti 80kiilo Mitir ujirta Degmada Taleex .

Malayshiyadaan taabacsan Maamulka Soomaaliland ayaa deegaankaasi ka samaysanaya Fariisimo waawayn sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay kuna sugan deegaankaasi.

Shacabka ku dhaqan deegaanka Caroolay ayaa saaka iska caabin isaga sameeyay ciidankaasi una diidan in ay fariisimo ka samaystaan deegaankaasi oo ay ku sugan yahay dad Dad taageersan Dowlada Somalia .

Magaalada Garowe ee caasumada Puntland ayaa wararku waxa ay sheegayaan in ay ka soo baxeen ciidan katirsan dowlada Puntland,kuwaasi oo u soo jihaystay degmada taariikhiga ah ee Taleex .

Waxaa caawa dagan xaalada magaalada Taleex kadib markii ay shalay isaga baxeen malayshiyadii qabsatay maalin kahor ee ka amar qadanayay maamulka Hargasa .


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada