Gerrard Oo Ilmeeyay Ka Dib Guushii Man City, Muxuuse Ka Yiri Guushii Ay Ku Gaareen Anfield?

Gerrard Oo Ilmeeyay Ka Dib Guushii Man City, Muxuuse Ka Yiri Guushii Ay Ku Gaareen Anfield?

daajis.com:-Kabtanka kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa sheegay in kulankii maanta uu ahaa 90kii daqiiqo ee ugu dheeraa ee abid ciyaaro.

Liverpool ayaa 3-2 kaga badisay Manchester City kuwaasoo ka soo kabsaday labo gool oo ay Reds ku hormartay laakiin gool uu dhaliyay Coutinho ayaa guusha u saamaxday Liverpool oo hogaanka Premier League sii dheereysatay.
Gerrard ayaa ilin ay soo dhaaftay dhamaadkii ciyaarta isagoo xamaasadeysnaa islamarkaana waxa uu isku soo uruuriyay ciyaartoyda isagoo si qiiro leh u la hadlayay.
Gerrard ayaa u sheegay Sky Sports: “Waa maalin qiiro leh laakiin waxaan u baahanahay inaan isdejino madaama ay afar kulan oo waa weyn ay inoo harsan yihiin laakiin kulankaan micno weyn ayuu inoo leeyahay gaar ahaan markii ay ciyaarta ku soo laabteen.

“Malaha kulankaan waa hadalkeenii ugu weynaa ee aan sameyno ilaa iyo haatan.
“Waxa ay aheyd 90kii daqiiqo ee ugu dheeraa ee aan abdi ciyaaro. Waxaan dareemayay sida inay saacada gadaal u socoto qeybo ka mid ah ciyaarta.
“Waxaa inoo haray afar kulan oo waa wey. Dadka waxa ay dhahayeen Manchester City ayaa ah kulankeena noogu weyn, laakiin kuma raacsani taas kulanka inoogu weyn waa Norwich. Weli waxba kama aanan guuleysan.”
Wariyaha Sky Sports ayaa ka dib weydiiyay Gerrard wixii uu ku yiri ciyaartoyda markii uu isku suu uruuriyay, waxaana kabtanka Liverpool uu si sahlan ugu jawaabay: “Shaqadaada ma ahan”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada