Hay’adda Human Rights Watch oo Kenya ka dalbatay inay joojiso tacadiyada ay u geysaneyso Muwaadiniinta Soomaaliyeed

Hay’adda Human Rights Watch oo Kenya ka dalbatay inay joojiso tacadiyada ay u geysaneyso Muwaadiniinta Soomaaliyeed

daajis.com:-Hay’adda Human Rights Watch oo Kenya ka dalbatay inay joojiso tacadiyada ay u geysaneyso Muwaadiniinta Soomaaliyeed

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay ku cambaareysay ciidamada Kenya sida ay ula dhaqantay  shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, iyadoo ka dalbatay inay joojiso tacadiyada ay ku hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalkaasi.

Warbixinta oo soo baxday maanta oo Jimco ah ayaa lagu xusay in xoriyad la siiyo dadka magengalyo doonka ah ee aan sharciyada Kenya heysaniin ay inay helaan warqadaha aqoonsiga ee qaxootinimo, inta dib loogu soo celin lahaa dalkooda Hooyo.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in 4-8-dii bishaan ay kormeereen xabsi lagu magacaabo Pangani oo ku yaala xaafadda ay Soomaalida ku badantay ee Islii, iyadoo warbixinta lagu sheegay in qolalka xabsiga oo loogu talalgay 20 ka qof lagu xareeyay in ka badan 100 qof, taasi oo ay ku sheegeen inay dhibaato kala dulmeen dadka xabsigaasi lagu hayay.

Warbixinta ay soo saartay hay’adda Xaquuqda aadanaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Kenya ay ku xadgudubtay xaquuqda beni’aadamka, kaddib markii ay sheegeen in dad badan si sharci darro ah xabsiga loogu hayay, iyadoo ay ahayd in 24-saac kaddib la soo taago Maxkamad, taasi oo aan weli dhicin.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in kumanaan dad ah lagu xir xiray garoonka kubadda cagta ee Kasarani, halkaasi oo ay ku sheegeen in loo diiday gudi Madaxa banaan oo ka socday Hay’adda in ay galaan garoonka, si ay u ogaadaan xaalada dhabta ah ee haysata kumaamanka qof ee lagu hayo garoonka kubadda cagta Kasarani ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxa sare ee Hay’adda Simpson ayaa sheegay in ciidamada Kenya oo isugu jira Boolis iyo kuwa koofi casta laga hayo dukumintiyo cadeynaya inay ku xad gudbeen intii ay socotay howlgallada Soomaali badan, iyadoo Hay’addu ay ku sheegtay in ciidamada Kenya ay bartilmaameedkoodu ahaa Soomaalida oo kaliya, taasi ay ku sheegeen inay tahay wax aan sharci ahayn.

9-kii bishaan ayay ahayd markii ay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay 82 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo qeyb ka ahaa dadkii ay ciidamada Kenya ku xadgudbeen, islamarkaana ay ka qab qabteen gudaha dalkaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 12:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada