Internet Waalan oo Muqdisho laga hirgeliyay iyo dadweynaha oo "shooksan"

Internet Waalan oo Muqdisho laga hirgeliyay iyo dadweynaha oo "shooksan"

daajis.com:-Waxaa isbuucaan si buuxda looga howlgaliyay magaalada Muqdisho khadkii internetka ee loo yaqaanay fibre optic kaas oo xawaarihiisu aad u sareeyo islamarkaana isticmaalayaasha internetka ka yaabiyay.

Adseegsadayaasha ayaa ku tilmaamay adeegan cusub ee khadka internetka mid horumar ah islamarkaana ay ka faaiideysanayaan dhamaan bulshada reer Muqdisho nooc walba oo ay leeyihiin.

"Bog kasta oo aad furto ama video walba oo aad daarto, horay ayuu kaaga furmayaa, xitaa hakad maleh", sidaa waxaa yiri ganacsade adeegsada adeegan cusub oo goob interne cafe`ah leh.

Adeegan cusub ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan ay jareen kooxda Al-Shabaab adeegii internetka ee loo yaqaanay 3G, kaas oo ilaa wali khadka ka maqan.

Horaantii sanadkan ayaa laga bilaabay gelinta kaawooyinka fiber optic-ga.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada