Ilaa 90-ruux Soomaali laga musaafuriyay dalka Kenya oo saakay ku soo jeeda Muqdisho

Ilaa 90-ruux Soomaali laga musaafuriyay dalka Kenya oo saakay ku soo jeeda Muqdisho

daajis.com:-Qeybtii labaad Soomaali laga soo musaafurinayo dalka Kenya ayaa saaka ku soo jeeda magaalada Muqdisho, iyadoo dadkan oo isugu jira haween, caruur, rag iyo dad da' ah ay xilligan ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta Air Port.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika oo ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in dadkan loo fududeeyay dhamaan tasiilaadkooda, isla markaana lagu guuleystay in laga soo saaro xabsiyada, dibna dalkooda loogu soo celiyo.

"Waxaa loo jaray Go Home, diyaar ayayna u yihiin inay dalkooda ku soo laabtaan, waa 91 ruux oo haween, caruur iyo rag isugu jira, saacadaha soo socda ayaa diyaarad ka qaadi doonta garoonka Joma Kenyatta, dadka sharci darada halkan ku jooge ahaayeen"ayuu yiri Mr Ameerika.

Ilaa afar kun oo ruux Soomaali lagu raafay howl galadii u dambeeyay ayaa wali ku jira Garoonka ciyaaraha Kazarani ee bariga magaalada Nairobi, iyadoo qaarkood dadkaas lagu sii daayay lacago laaluush ah.

Tacadiyada Ciidamada Kenya kula kacayeen Soomaalida ku dhaqan Kenya ayaa soo kordhayay, waxaana dadkan oo laga soo qab qabtay guryahooda loo kala saarin mid sharci heysta iyo mid aan sharci heysan.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 15:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada