Ciidamo gaar ah oo ilaaliya xarumaha Qaramada Midoobey oo maanta laga dejinayo Muqdisho

Ciidamo gaar ah oo ilaaliya xarumaha Qaramada Midoobey oo maanta laga dejinayo Muqdisho

daajis.com:-Ciidamo gaar ah oo ka socda Uganda ayaa maanta lagu wadaa in la geeyo magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kuwaasoo ilaalin doona shaqaalaha iyo xarumaha Qaramada Midoobey.

Waajibaadka ciidamadan gaarka ah ayaa ka duwan kan midowga Afrika ee AMISOM, waana ciidamo si gaar ah u sugi doona ammaanka ammaanka shaqaalaha iyo xarumaha Qaramada Midoobey ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada Uganda Paddy Ankunda ayaa sheegay in ciidamadan oo magacooda yahay UNGU ay ka kooban yihiin ilaa afar boqol askari, kuwaasoo dhowaan qaatay tababar socday labo bilood.

Sanadkii hore ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho, waxaana weerarkaas ku dhintay ilaalo iyo shaqaalo ka shaqeynayay Xafiiska UN-ka.

Sidoo kale labo bilood ka hor ayaa weerar is qarxin ah lagu qaaday kolonyo ay la socdeen Shaqaalaha Qaramada Midoobey meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo taasi ay keentay in Ciidamo gaar ah loo xilsaaro ammaanka xarumaha iyo shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Ciidamadan ayaa sanadkii hore ay ansixisay Qaramada Midoobey, iyagoo qaadanaya koofiyadaha QM ee Buluuga ah iyo dareyska ciidamada Uganda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 15:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada