Kooxo hubeysan oo xalay dhaawac culus u geystay Afhayeenkii Maamulka degmada Afgooy

Kooxo hubeysan oo xalay dhaawac culus u geystay Afhayeenkii Maamulka degmada Afgooy

daajis.com:-Kooxo Hubeysan ayaa xalay ku dhaawacay degmada Afgooye Afhayeenkii Maamulka degmadaas Maxamed Axmed Dhega-cade, iyadoo dhaawiciisa loo soo qaaday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay Afhayeenkan ku weerareen afaafka hore ee hoygiisa, iyagoo ilaa afar xabadood ku dhiftay, sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka degmada Afgooye.

"Afhayeenka xalay ayaa lagu dhaawacay gurigiisa hortiisa, afar xabadood ayaa ku dhacday lugta iyo meelo kale jirkiisa, Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa la geeyay"ayuu yiri mid ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulka degmada.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xaalada Afhayeenka, iyadoo la sheegay in qaar ka mid ah rasaasta ay uga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana dhaqaatiirta Isbitaalka ku howlan yihiin la tacaalida xaaladiisa caafimaad.

Afhayeenka Maamulka degmada Afgooye oo dhowaan la magacaabay ayaa shalay ka warbixiyay kulan amniga looga hadlayay, isagoo wareysi siiyay qaar ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay weerarkan lagu dhaawacay Afhayeenka degmada Afgooye, iyadoo aanu Maamulka degmada cidna ku eedeyn inay ka dambeysay dhaawaca loo geystay Afhayeenka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 15:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada