Kooxdii weerartay Westgate oo la sheegay in ay ka galeen dalka Kenya wadanka Uganda

Kooxdii weerartay Westgate oo la sheegay in ay ka galeen dalka Kenya wadanka Uganda

daajis.com:-Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska dalka Uganda ayaa sheegay in kooxdii weerartay xarunta laga dukaameysto ee Westgate magaalada Nairobi sanadkii hore ay galeen Kenya iyagoo ka soo gudbay dalka Uganda.

Taliyaha ciidamada Booliska Uganda General Kale Kayihura ayaa sheegay in warbixinada sirdoonka ay tilmaamayaan in dalka Uganda uu ahaa meel marin ah. Waxana uu taliyuhu intaa ku daray in dalka Uganda uu halis u yahay in weeraro laga geysto.
"Xitaa sirdoonka waxa ay sheegayaan in kooxdii ka dambaysay weerarkii Westgate inay ka gudbeen Uganda,"ayuu yiri afhayeenka dowlada Uganda Ofwono Opondo, isagoo ka soo xigtay generalka oo ka sheegay kulan amniga looga hadlayay oo ay ka qeybgaleen taliyaasha ciidamada iyo madax sarsare ee ka tirsan xukuumada Uganda.
"Uganda ayaa waxa ay noqotay waddo ay maraan kuwii bambooyinka ka qarxiyay dalka Kenya,"ayuu sii raaciya. "Waa inaan xaqiijinaa in aysan wax rabshado ah ka dhicin Kampala."
Ururka xiriirka la leh Alqaacida ee Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambaysay weerarka Westgate,iyadoo sheegtay in ay digniin u tahay Kenya inay ka soo saarato ciidamadeeda dalka Kenya gaar ahaan dhinaca koofur. 
Kooxdii weerartay Westgate oo la rumeysan yahay inay ka koobnaayeen afar ruux ayaa ku dhintay xarunta. Hase yeeshee afar ruux oo Soomaali ah ayaa maxkamad la soo taagay iyadoo loo haysto inay gacan siiyen kooxdii weerartay Westgate.


















FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 13:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada