Fabianski Oo Noqday Geesiga Arsenal Iyadoo Gunners Ay Rigoore Ugu Soo Baxday Finalka FA Cup.

Fabianski Oo Noqday Geesiga Arsenal Iyadoo Gunners Ay Rigoore Ugu Soo Baxday Finalka FA Cup.

daajis.com:-Goolhaye Fabianski ayaa noqday geesiga Arsenal ka dib markii ay rigoorayaal 4-2 kaga badiyeen Wigan Athelic semi-finalkii FA Cup iyagoo u soo baxay finalka ka dib markii ay 120 daqiiqo barbaro 1-1 ah isku dhaafi waayeen.
Tababare Arsene Wenger ayaa ciyaartaan ku soo bilaabay Sanogo iyo Aaron Ramsey, isagoo qaar ka mid ah xiddigihiisa kursiga keydka fursad siiyay.
Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay Arsenal daqiiqadii 5aad markii karoos uu soo dhigay Oxlade-Chamberlain uu madax la helay Sanogo laakiin waa si cajiib ah kaga beeniyay goolhaye Carson.
Arsenal ayaana kubada inteeda badan heysatay ciyaarta laakiin wax natiijo ah kama aysan gaarin qeybtii hore iyadoo lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah islamarkaana goolhaye Carson uu sameeyay seddex badbaadin oo waa weyn.
Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Wigan ay heshay wixii ay u baahneyd taasoo ah inay hogaanka u qabato ciyaarta markii Mertesacker uu qalad xerada ganaaxa kula galay McManaman taasoo keentay in garsooraha uu tilmaamo rigoore.
Waxaana rigoorada u soo istaagay Gomez kaasoo dhigay dhanka midig ee Fabianski inkastoo uu goolhayaha qiyaasay dhanka ay kubada u socoto hadana marnaba uma muuqan mid badbaadin kara, waxaana ay ciyaarta noqotay 1-0 oo ay Wigan hogaanka ku heysay.
Sagna ayaana u dhawaaday inuu u barbareeyo Sagna laakiin dadaalkiisa waxaa ka soo beenisay birta halka sidoo kalae ay ku qasbeen Wigan inay kubad ka badbaadiso xariiqda goolka.
Mertesacker oo sabab u ahaa rigooradii Arsenal laga dhaliyay ayaa u barbareeyay Arsenal daqiiqadii 81aad ka dib markii uu shabaqa ku taabtay kubad ka soo baxday Gibbs. Taasoo ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah.
Waxaana 90kii daqiiqo ee ciyaarta ay ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah oo keentay in la isla aado 30 daqiiqo oo dheeri ah.
Sanogo ayaana labo jeer kale ku dhawaatay inuu shabaqa soo taabto waqtigii dheerig ahaa, laakiin ma uusan haleelin shabaqa.
Oxlade-Chamberlain ayaana kubad gantaal ah birta ku dhiftay daqiiqadii 110aad ee ciyaarta. Waxaaa 30kii daqiiqo ee ciyaarta ay ku soo dhamaatay mar kale barbaro 1-1 ah. Waxaana la isla aaday gool ku laad.
Goolhaye Fabianski ayaana rigooradii ugu horeysay ka badbaadiyay Gary Cadwell, ka dib waxa uu tii u xigta ka badbaadiyay Jack Colisson, halka Arteta, Kallstrom, Giroud iyo Cazorla ay u saxiixeen Gunners. Wigan waxaa u saxiixay kaliya Beausejour iyo James McArthur.
Arseal ayaana ku badisay rigoorayaal 4-2 ah, taasoo u saamaxday inay u soo baxaan finalka koobka FA Cup.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada