Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan oo ka qeeyb galay Xuska 54 guurada ee Ciidanka Xooga Dalka Somalia

Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan oo ka qeeyb galay Xuska 54 guurada ee Ciidanka Xooga Dalka Somalia

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo maanta ka qeybgalayey munaasabada Xuska 54 guurada ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa yiri “XDS wey ku ammaananyihiin guulaha dalka looga sifeynayo Al-Shabaab."

Madaxweynaha oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey xaflada ayaa yiri “Ugu horreyntii waxaan leeyahay HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO dhammaan ciidanka XDS iyo qoysaskooda oo ku aadan Sanadguurada 54aad ee aasaaskii ciidanka XDS. XDS waxuu leeyahay taariikh soo jireen ah oo ummadda Soomaaliyeed ay ku faani karaan. XDS waxey hormuud ka ahaayeen Afrika oo dalal badan ay ka xorreeyeen gumeystayaashii waagaas. XDS waxey nabad-illaalin u tageen dalal badan oo Afrika ka mid ah oo ay xasiliyeen oo ay nabad ka dhigeen.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegey in XDS ay tababaro siin jireen ciidanka waddamada Afrika oo aan heysanay saraakiil khibrad, aqoon iyo waayo aragnimo u leh ciidanka. Madaxweynaha ayaa yiri “Taariikhdaas wanaagsan waa inaan carruurteenna u sheegnaa oo iskuulada lagu dhigaa, isla markaana aan ku faanaa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta ciidanka XDS ay ku jiraan dagaal cusub oo ay wadaan kooxaha Argagaxisada ah. Madaxweynaha ayaa yiri “XDS waxey hormuud ka yihiin howlgalada dalka ka socda oo ay maalin walba kooxaha nabad-diidka ah ay ka xorreynayaan iyagoo kaashanaya ciidamada AMISOM, isla markaana shacabkii deegaanadaas ay helayaan nabad, xornimo, dowladnimo iyo inay aayahooda ka tashadaan.”
Madaxweynaha ayaa ku dhiiri geliyey XDS inay sii wadaan guulaha joogtada ah oo ay soo afjaraan dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah, si Dowladdu ay u hirgeliso qorsheyaasha horyaalla oo ay ka mid yihiin xasilinta dalka, dib u eegista dastuurka iyo hirgelinta barnaamijka dimoqraadiyeynta dalka si 2016 loo hirgeliyo doorashooyin xor ah.
Madaxweynaha oo ka hadlayey barnaamijka xasilinta dalka ayaa yiri “Qorshaha Xasilinta waa in dadka deegaanka ay helaan Gargaar bani’aadanimo, maamulo KMG ah, hay’adaha Amniga, garsoorka, dib-u-heshiisiin, maamul wanaag, adeegyada bulshada iyo Demoqraadiyeynta si dadku ay aayahooda uga tashadaan.
” Waxaan rabaa inaan xuso Dowladda Mareykanka oo si xoog leh u taageertay ciidankeena.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha oo ka hadlayey arrimaha Al-Shabaab ayaa yiri “Waxaan fursad siineynaa dhammaan Soomaalida qoryaha iska dhiga oo diyaar u ah inay nabadeynta ka qeybqaataan. Waan soo dhoweyneynaa, waxaana u diyaarineynaa mashaariic ay bulshada uga mid noqdaan oo ay dalkooda u adeegaan.”
Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii sheegay in Dowladu ay ka go’antahay in doorashooyin dalka ka dhacaan 2016. Lana sii wado Horumarka joogtada ah ee ciidamadu ku tallabsanayaan maalin walbo.
Madaxweynaha oo ka hadlay falalkii Nairobi ka dhacayey maalmihii la soo dhaafay ayaa yiri “Falalka ka dhacaya Nairobi waxaan kala hadlay Madaxweyne Uhuru oo aan isla garanay in shacabka Soomaaliyeed la ilaalin doono xaquuqdooda oo sharaftooda iyo karaamadooda loo dhowrayo. Mawaadinka Soomaaliyeed sharaftooda iyo karaamadooda waa lama taabtaan oo Dowladdu ay sii wadeyso dadaalada shacabka ku dhibaateysan dalalka dibedda ay si xor ah dalka dib ugu soo laaban lahaayeen oo ay ka qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka.”







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada