Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay laba fanaan oo Muqdisho fasax u tagay

Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay laba fanaan oo Muqdisho fasax u tagay

daajis.com:-Mudo afar casho ah ayaa waxaa xabsiga magaalada Hargeysa ku jira laba fanaan oo caan ka ah deegaanka Somaliland kuwaas oo lagu kala magacaabo Ikraan Jaamac iyo Xasan Maxamed "Laabsalaax".

Fanaaniintan ayaa lagu soo waramayaa in afar casho ka hor lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa xilli ay kasoo laabteen fasax ay magaalada Muqdisho ugu maqnaayeen mudo isbuuc ah.

Wararka ayaa sheegaya in fanaanintan ay sameysteen warqadda aqoonsiga iyo baasaboorka electroniga mudadii isbuuca aheyd ee ay caasimadda Soomaaliya ku sugnaayeen.

Mudooyinka dambe ayaa waxaa caasimadda Muqdisho ku qul-qulayay fanaaniin, wariyayaal iyo rag kale oo magac ku leh deegaanada Somaliland, waana markii ugu horeysay oo dad xabsiga loo dhigo arrintan.

Maamulka Somaliland ayaanan wali ka hadal xarigga fanaaniinta, 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada