R/wasaare C/weli Oo Ku Sii Wajahan Kismaayo Iyo Diyargarowga Soo Dhaweyntiisa Oo Halkaasi Ka Socota

R/wasaare C/weli Oo Ku Sii Wajahan Kismaayo Iyo Diyargarowga Soo Dhaweyntiisa Oo Halkaasi Ka Socota

daajis.com:-R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka  ku sii jeeda magaalada Kismaayo halkaasi oo ay haatan ka socoto  qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga R/wasaaraha dalka. 

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa saaka ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyay ee lagu soo dhaweynayo R/wasaare C/weli Sh. Axmed Maxamed oo la filayo inuu maanta gaaro magaaladaasi.

Dadweyne aad u farabadan ayaa isugu soo baxay fagaaraha loo yaqaano beerta xoriyadda kuwaas oo u diyaargaroobaya soo dhaweynta R/wasaaraha, iyadoo heegan buuxda la geliyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Waddooyinka waa weyn ee magaalada Kismaayo ayaa lagu arkayaa dadweyne aad u farabadan oo isugu soo baxay kuwaas oo ruxaya calanka Jamhuuriyadda iyo sawirrada R/wasaaraha waxaana gebi ahaanba la xiray goobihii ganacsiga iyadoo la fasaxay dugsiyadii waxbarashada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 14:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada