Muqdisho: Waddooyinka Caasimada oo Saaka Xiran Iyo Xuska Aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka oo Maanta Dhacaya

Muqdisho: Waddooyinka Caasimada oo Saaka Xiran Iyo Xuska Aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka oo Maanta Dhacaya

daajis.com:- maanta loo dabaaldegayo xuska aas aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12-ka Abriil ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho waxay saaka ku waabariisteen iyadoo waddooyinka oo dhan ay xiran yihiin.

Waddooyinka muhiimka ah sida wadada Makka al Mukarama, Jidka Afgooye, wadada garoonka Dayuuradaha iyo qaar kale ayaa saaka lag joojiyey isticmaalka gaadiidka, iyadoo dadka ay lugtooda ku marayaan.
Qaarka mid ah dadkii saaka ku kalahay magaalada sida ardayda u baxday waxbarashada iyo dadka shaqooyinkooda aaday ayaa la kulmay jidgooyooyinka ay dhigeen ciidamada amaanka waxaana dadka badankiis ay doorbideen inay iska lugeeyaan mar haddii aanu gaadiidka dadweynaha shaqeynayn.
Ma jirto cid ka tirsan hay’adaha amaanka oo sababeeyey waddooyinka la xayiray, hase yeeshee waxaa dadka ku fasirteen xuska dabaaldega maalinta ciidamada oo maanta 12-ka Abriil ku beegan.
Xuska dabaakdega ayaa ka dhacaya xarunta wasaaradda gaashaandhiga oo ku taalla Wadada Warshadaha iyadoo ciidamo aad u fara badan saaka illaa xalay la dhigay wadadaasi oo gebi ahaanba ciidamada gooyeen.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe oo ka hadlay munaasabadda 54-guurada kasoo wareegtay aas aaska ciidamada Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada saraakiishooda iyo qoysaskooda munaasabadan.
Madaxda sare ee Dawlada Federaalka ayaa lagu wadaa inay maanta ka qeybgalaan xuska ka dhacaya magaalada Muqdisho.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 14:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada