Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan B/Burde oo beeniyay war ka soo baxay Al-Shabaab

Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan B/Burde oo beeniyay war ka soo baxay Al-Shabaab

daajis.com:-Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ka midka ah howl galka AMISOM ayaa beeniyay war ka soo baxay Al-Shabaab, kaasoo ahaa dagaal shalay ka dhacay degmada Buulo Burde ay ku dileen Taliye kuxigeenkii Ciidamada.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ka hadlayay dagaalkii shalay ayaa sheegay in Ciidamada Jabuuti ka dileen Taliye kuxigeenkii ciidamada oo uu magaciisa ku sheegay Col. Guuleed.

Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkii ay ku qaadeen Buulo Burde qasaare ku gaarsiiyeen ciidamada Jabuuti sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha qeybta afaraad ee Ciidamada Jabuuti Col. C/raxmaan Cabdi ayaa sheegay in aanay jirin warka ka soo baxay Al-Shabaab, isagoo sheegay in aanay ciidamada Jabuuti ka mid aheyn sarkaalka magaciisa ay sheegeen.

"Warkaas waa waxba kama jiraan, waa maah maahdii Soomaaliga ee oraneysay nin daad qaaday xumbo cuskay, itaalkooda wuxuu noqday been in la sheego, warkaas waxba kama jiro, dagaal ayay soo qaadeen waana la ceyriyay"ayuu yiri Col. C/raxmaan Cabdi.

Waxaa uu sheegay in dagaalkii shalay ay soo qaadeen uu ujeedkiisa ahaa in idaacadaha ha laga maqlo ee halaga sheego, waxaana uu tilmaamay in dhowaan ay qorsheynayaan inay Al-Shabaab ka saaraan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan sida uu yiri.

"Anaga nin la yiraahdo Guuleed saraakiisha kuma jiro, Taliye kuxigeenka waxaa la dhahaa Ibraahim, Taliyahana waxaa lagu magacaabaa Dhubad, meel ay ka keeneen magacaas Guuleed la yiraahdo ma ogin"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Degmada Buulo Burde oo ka mid aheyd deegaanada ay ku xooganaayeen Al-Shabaab ayaa bartamihii bishii hore ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo wadooyinka laga soo galo degmadaas ku sugan yihiin Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada