Madaxweynaha Soomaaliya oo amray in lasoo qabto Guddoomiyaha D/Balcad

Madaxweynaha Soomaaliya oo amray in lasoo qabto Guddoomiyaha D/Balcad

daajis.com:-Shir ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, Guddiga Amniga Qaranka, kaasoo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu amray in lasoo qabto Guddoomiyihii degmada Balcad Cusmaan Xaadoole oo lagu eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa shaqaaqadii ka dhacday degmada Balcad.

Jimcihii lasoo dhaafay ayaa dgemada Balcad waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamo Boolis ah iyo kuwo Milateri ah, dagaalkaasi oo ay ku dhinteen ilaa Sagaal askari.

Cusmaan Xaadoole oo ku hubeysan Gaadiid dagaal iyo ciidamo ayaa isaga baxay shalay degmada Balcad, kadib dagaal kale oo ka dhacay, waxaana la sheegay inuu ku sugan yahay meel aan ka fogeyn Balcad.

Go'aanka lagu amray in lasoo qabto Cusmaan Xaadoole ayaan la ogeyn sida uu u suurageli karo, maadaama uu hubeysan yahay.

Cusmaan Xaadoole ayaa la sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyay, walow aan si rasmi ah loogu gudbin wareegtada, balse qalalaasahaan ay salka ku hayso arintaasi, taasoo keentay in Guddoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Cabdi Jiinow laga mamnuucay inuu maro wadada Balcad.

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada