Shabaab Oo Guulo Ka Sheegtay Dagaalo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

Shabaab Oo Guulo Ka Sheegtay Dagaalo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

daajis.com:-Xarakada al shabaab ayaa Guulo waa weyn ka sheegtay Dagaalo maalmihii ugu dambeeyay ka socday Gobolka hiiraan gaar ahaan Dagmada BuuloBurte.

Afahayeenka xarakada al-Shabaab Shiikh Cabi Casiis Abuu Musbac ayaa saxaafa u sheegay in ay ciidankooda ay guulo waa weyn  ay ka  gaareen dagaaladii maalmihii ugu dambeesay ka soconaayay Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale Afayeenka ayaa sheegay in ay dagaal ay ku dileen taliye sare oo ka tirsanaa ciidamada Jabuuti oo ku sugan Gobolka Hiiraan gaar ahaan dagmada Buulo Burte.
Afayeenka ayaa sheegay in taliyaas lagu magacaawi jiray Guuleed ayna ciidamada Majaahidiinta ay gacanta ay ku dhigeen markii dambe ay dileen waa sida uu hadalka u dhigay afayeenka Al-Shabaab.


Wali wax war ah kama soo bixin Dowlada dalka Jabuuti iyo Amison  ee ku aadan dil ay sheegayaa  Shabaab ee ah in ay dileen mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada Jabuuti


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada