Sir lahelay: Weerar lamid ah kii Westgate Mall oo la qorsheenayo & Al-Qaacida oo Hanjabaad culus soo dirtay

Sir lahelay: Weerar lamid ah kii Westgate Mall oo la qorsheenayo & Al-Qaacida oo Hanjabaad culus soo dirtay

daajis.com:-Waxaa dhowaan baraha Internetka ay adeegsadaan Ururada hoos taga Al-Qaacida lagu soo daabacay muuqaalo iyo codad lasoo duubay oo ay kasoo muuqdeen xubno sar sare oo ka tirsan kooxda oo hanjabaydo diraya.

Hogaamiyaha al-Qaacida Ayman Al-Zawaahiri oo la baahiyey cod usoo duubay ayaa u hanjabay Dowladda Mareykanka, isagoo ku faanay in Ururka uu madaxda ka yahay uu sii xoogeysanayo isla markaana Madaxweyne Obama uu og yahay, siduu sheegay.
Ururka al-Shabaab oo xiriir la leh Urur weynaha al-Qaacida ayaa xubno ka tirsan oo kasoo muuqday muuqaalada ku sheegay in howlgalkii Westgate aysan ku ekaan doonin balse kuwa lamid ah ay qaadi doonaan.
‘’ Westgate ma ahaan mid ku filan, weli waxaa jira boqolaal rag oo raba in ay sameeyaan howlgal la mid ah,’’ ayay yiraahdeen xubnaha al-Shabaab oo aan la sheegin magacyadooda.
Xubnahan si toos ah uma cadeyn goobta ay weerari doonaan, balse waxaa dhowr jeer Safaaraddaha reer Galbeedka ku leeyihin waddamada Geeska Afrika ka digeen weeraro ay abaabulayaan kooxaha Islaamiyinta oo ay ugu weyn tahay al-Shabaab.
Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa baaritaan ku sameynaaya hanjabaadyada hor leh kasoo baxay Shabakadda Al-Qaacida.
Weerarkii lagu qaaday dhismaha Westgate ee magaalada Nairobi waxaa ku dhintay ugu yaraan 70-qof iyadoo wixii intaa ka dambeeyay Dowladda Kenya ay si ba’an u bartilmaamedsanaysay Soomaalida ku nool dalkeeda ee qaxootiga

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada