Soomaaliya oo ka mid noqotay shan dal oo Ciidamo u diraya Koofurta Sudan

Soomaaliya oo ka mid noqotay shan dal oo Ciidamo u diraya Koofurta Sudan

daajis.com:-War ka soo baxay Xarunta Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socda ilaa shan dal oo ka tirsan IGAD, kuna jirto Soomaaliya ay ciidamo u dirayaan dalka Koofurta Sudan, si ay u dejiyaan xaalada dalkaas ee dagaalada ka jiraan.

Sida ay qortay wakaalada wararka ee Anatolia ee dalka Turkiga oo soo xiganeysa Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegaya in madaxda IGAD ay isku raacsan yihiin in ciidamo nabad ilaalin loo diro Koofurta Sudan.
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ah shir gudoonka Madaxda dalalka IGAD ayaa sheegay in la diyaariyay ciidamo ka kala socda ilaa shan dal oo ka mid ah Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda, kuwaasoo qorshuhu yahay inay taageeraan dowladda Koofurta Sudan.

Qorshahan ayaa ka dambeeyay markii ay dib u soo cusboonaadeen weerarada dalkaas ay ka geysanayaan kooxaha mucaaradka, waxaana Koofurta Sudan ku sugan ciidamo nabad ilaalin ka socda Qaramada Midoobey.

IGAD ayaa waday dadaalo lagu dhex dhexaadinayay dowladda iyo Mucaaradka Koofurta Sudan, si looga baaqsado dagaalo dhiig badan ku daata oo ka dhaca dalka curdunka ah.
Bishii December ee sanadkii hore ayay aheyd markii uu fashilmay afgambi la doonayay in lagu rido dowladda Madaxweyne Salva Kiir, iyadoo hogaamiyaha Mucaaradka Reik Machar oo horay u ahaa Madaxweyne kuxigeenka Koofurta Sudan lagu eedeeyay inuu damacsanaa afgambiga milateri.

Arrintan ayaa ah mid xiiso gaar ah leh, iyadoo Soomaaliya ay joogaan Ciidamo nabad ilaalin oo ka socda Midowga Afrika, ay iyana dirto Ciidamo nabad ilaalin, inkastoo ka hor bur burkii dowladdii kacaanka ay ka mid aheyd wadamada ugu awooda badnaa xaga ciidamada dalalka geeska afrika oo ciidamo u diray dalal ay colaado iyo rabshado ka jireen oo ka mid ahaa qaarada afrika.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 16:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada