Wasaaradda gaashandhigga oo ka hadashey ciidamada gaar ka u ah QM ee Muqdisho la geeyey

Wasaaradda gaashandhigga oo ka hadashey ciidamada gaar ka u ah QM ee Muqdisho la geeyey

daajis.com:-Qaramada Midoobay ayaa shalay oo Khamiis ahaayd waxaa ay Muqdisho ka dajisay kooxdii ugu horreysay ee ciidamo ka socda Uganda oo ilaalin doono shaqaalaha iyo xarumaha QM ee Muqdisho,waxaana arrinta xilligan ka hadashey wasaaradda gaashandhigga dalka.

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud,wasiirka Gaashaandhigga dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ciidamadan Muqdisho loo kenay ilaalinta Qaramada Midoobay,waxuuna sheegay inay si dhow uga warhayaan xaaladda ciidamadaasi.
…”"”Waan ka warheyna in ciidamo ka koobanyihiin 410 askari oo laga soo xulay ciidamada dalka Uganda,Muqdisho la keenay dowladduna way ka warhaysa,..”"‘ayuu yiri wasiirka gaashandhigga dalka oo ka hadlayey ciidamada Uganda ee QM ilaalada u noqon doonna.
Waxaa uu tilmaamay wasiirku in ciidamadaasi aysan wax shaqo ah ku laheyn howlgallada ay dalka ka wadaan ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM balse ay shaqadoodu ku koobnaandoonto oo kaliya ilaalinta xafiisyada Qaramada Midoobay.
Ciidamadan oo sannadkii hore ay ansixiyeen QM ayaa waxay ku labisanayaan ama xiranayaan koofiyada buluuga ah ee QM.
Afhayeenka ciidamada Uganda, Paddy Akunda ayaa sheegay ciidankan UNGU ay ka madax banaan yihiin kuwa AMISOM, oo iyagu sii wadi doona dagaalka ay kula jiraan ururka al-Shabab.
Waxaana lugu magacaaba ciidamada xilligaan ka socda Uganda ee ilaalada ka noqon doonna xarumaha iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay UNGU,howshooda waa ay ka duwan tahay tan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com

Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 16:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada