Warshad Soo Saarta Noocyada Kala Duwan Ee Cabitaanka Oo Laga Furay Muqdisho (Sawirro)

Warshad Soo Saarta Noocyada Kala Duwan Ee Cabitaanka Oo Laga Furay Muqdisho (Sawirro)

daajis.com:-Munaasabad balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana lagu maamuusayay furitaanka warshada cabitaanka SODA KING ayaa gelinkii dambe ee shalay laga qabtay Hotelka City Plaza ee Muqdisho.

Xafladda furitaanka warshadaasi ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Ganacsato iyo xubo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo aad ugu hambalyeeyay milkiilayaasha warshadaasi furitaanka warshadda SODA KING.

Ugu horeyn waxaa munaasabadda ka hadlay mid ka mid ah milkiilayaasha warshadaasi ahna maamulaha warshadaasi Axmed Sheekh Yuusuf Guuleed oo hadalo isugu jira soo dhaweyn iyo mahadcelin ka jeediyay halkaasi, isagoo tilmaamay in dhismaha warshadaasi ay ka qeybqaateen Quburo ajnabi ah iyo Injineerro. Soomaali ah, isagoo dhinaca kale xusay in ganacsatada Soomaaliyeed ay si weyn usoo dhaweeyeen furitaanka warshadani maadaama ay uga maarmeen cabitaankii dibadda laga keeni jiray.

Gain Mani oo ah Qabaradii rakibtay warshada islamarkaana ka soo shaqeeyay wadamo badan oo caalamka ah ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka ay u shaqeeyso warshadaasi isagoo tilmaamay iney tahay warshad casri ah oo soo saaridoonta noocyada kala duwan ee cabitaanka, kuwaas oo laga farsameyndoono qudaarta dalka.

Dr. C/kariim Sheekh Yuusuf Guuleed oo ka mid ah milkiilayaasha warshadaasi oo halkaasi ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay ujeeddada ay u fureen warshadaasi isagoo tilmaamay iney ka fikireen dhismaha warshadani kadib markii ay arkeen baahida loo qabo warshad soo saarta noocyada kala duwan ee cabitaanka taasoo looga maarmo cabitaanka laga keeno dibadda.

‘’Hadafka an ka laheyn furitaanka warshadani ayaa ahaa in la helo cabitaan tayo leh oo qiimo jaban, iyo shaqo abuurid,  ahdaafta kale waa inaan dhiirigelino ganacsatada iyo qurbajoogta Soomaaliyeed ee laga yaabo ineey heystaan dhaqaale ku filan, iyo inaan noqono canshuur bixiye’’ Ayuu yiri Dr. C/kariin Sheekh Yuusuf Guuleed oo ka mid ah milkiilayaasha warshadaasi.

Wasiirkii hore ee warfaafinta C/kariin Xasan Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay warshadani u leedahay horumarinta dhaqaalaha dalka,  isagoo ku amaanay mulkiilayaasha warshadaasi sida ay uga fekereen horumarinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xildhibaan C/qaadir Cali Cumar oo warshadaasi ku tilmaamay mid looga marmi doono baahida cabitaankii dibadda laga soo dhoofin jiray,  isagoo ku dhiirrigeliyay ganacsatada kale iney usoo jeestaan warshadeynta dalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta mudane Yuusuf Xeyle Jimcaale oo halkaasi ka hadlay ayaa soo diirran usoo dhaweeyay furitaanka warshadaasi wuxuuuna hoosta ka xariiqay in siyaasadda dowladdu ay tahay dhiirigelinta warshadaha dalka.

Warshadan casriga ah oo farsameysa noocyada kala duwan ee cabitaanka ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo laga furo dalka 23-sano kadib, waxaana la rumeysanyahay iney dabooli doonto baahida cabitaan ee dalka.
















FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 17:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada