Dagaalyahanadii weeraray Villa Soomaaliya oo siifkooda (DNA) la baarayo

Dagaalyahanadii weeraray Villa Soomaaliya oo siifkooda (DNA) la baarayo

daajis.com:- Waxaa la yiri “Siif ma guuree, suulashaa laga dayaa“, sidaasi darteed Dambi-baarayaal caalami ah oo ku taqasusey baarista xagga hidaha ama siifka dadka iyadoo la adeegsanayo aqoonta seeyniska , kana socda wadamada reer galbeedka ayaa gacan ka geysanaya qarixii ismiidaaminta ahaa ee labbo bil ka hor lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna baaritaankooda ku fooganyahay dadka ka shaqeeya madaxtooyada in ay wax lug ku lahaayeen weerarka.

Baarayaashani ayaa waxaa codsaday Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh, waxaana la sheegey in aysan jirin cid ka badbaadaysa dabogalkani heerka sare ah.

Tan iyo intii la weeraray madaxtooyada, islamarkaasina si dirqi ah ku baxsaday madaxweyne Xassan Sheekh ayaa waxaa wax laga badalay dhamaan qorshayaashii ammaanka, waxaana la sheegey in haatan markii ugu horeysey lagu dhaqaaqay talaabooyin culus oo horey aanan loo arag.

Waxyaabaha shakiga leh waxaa ka mid ah sida dagaalyahanada Alshabaab ay ku heleen koofiyadaha illaalada madaxtooyada u gaarka ah, sababta maalintaasi madaxtooyada u firaaqeeyeen dad muhiim ah, waxa ku dhacay kaalintii illaalada AMISOM iyo dabcan su’aalo kale oo baddan.

Waxaa kale oo ay tahay in la ogaado magacyada iyo kuwa ay yihiin dadkii weerarka qaaday ee iyagu meydkooda la hayo, waxaana la doonayaa in la ogaado siifkooda ama waxa loo yaqaano DNA.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 17:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada