Suldaan ka mid ahaa salaadiinta ugu caansanaa oo maanta lagu dilay Kismaayo

Suldaan ka mid ahaa salaadiinta ugu caansanaa oo maanta lagu dilay Kismaayo

daajis.com:-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose ayaa sheegaya in mid ka mid ah suldaanada caanka ka ahaa magaalada kooxo hubeysan ay maanta barqadii ku dileen xaafadaha shaqaalaha.

Suldaanka oo lagu magacaabayay Suldaan Caamir C/raxmaan Cabdi Dhuux ayaa waxaa toogasho ku dilay labo nin oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaan u suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii dilka ka dambeeyay, waxaana dilalkan ay yihiin kuwo ku soo kordhayay Kismaayo bilihii la soo dhaafay.

Suldaankan la dilay ayaa ahaa suldaankii beesha Sheekhaal oo ka mid ah beelaha ka soo jeeda magaalada Kismaayo, waxaana dilkiisa ka soo baxayay warar kala duwan.

Maamulka KMG ah ee Juba ayaa ka hadli wali dilkan suldaankan oo qeyb ka noqonaya dilal mudooyinkii u dambeeyay loogu geysanayay magaalada dadka waxgalka ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada