Xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Daynuunay ee duleedka Baydhabo

Xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Daynuunay ee duleedka Baydhabo

daajis.com:-Xoogag taabacsan Al-Shabaab ayaa la wareegay deegaanka Daynuunay oo magaalada Baydhabo u jira ilaa 20-KM, halkaasoo saldhig u aheyd ciidamada milateriga Soomaaliya.

La wareegitaankan ayaa ka dambeeyay markii ciidamadii Milateriga ee ku sugnaa halkaas ay ka baxeen, isla markaana qabteen dhinaca degmada Buurhakaba.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay si nabad kula wareegeen deegaankaas oo muhiim u ah isku xirka Baydhabo ilaa Muqdisho.

Ciidamada Milateriga iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Baydhabo ayaa abaabul xoogan ugu jira sidii deegaankaas dib ugu laaban lahaayeen, iyadoo dhaq dhaqaaq ciidan uu ka socdo magaalada.

Tan iyo markii Ciidamadii Uganda iyo Brundi ee ku sugnaa Baydhabo iyo duleedyadeeda markii ay wareejiyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaas waxaa deegaanka Daynuunay ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Milateriga, waxaana dhowr jeer ka dhacay dagaalo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada