AMISOM oo ka hadashay sababaha loo joojiyay howlgalada Al-Shabaab

AMISOM oo ka hadashay sababaha loo joojiyay howlgalada Al-Shabaab

daajis.com:-Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Humud, ayaa ka hadlay sababta ay ciidamada AMISOM u joojiyeen Howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.


Humud, ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay u turayaan dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada ay ku suganyihiin Al-shababa, sidaas darteedna ay hakadka u galiyeen Howlgalada.
"AMISOM waxay u joogan Soomaaliya sidii ay Soomaaliya u nabaden lahaayeen,waxaana marwalba ka go’an la-dagaallanka Al-shabaab" ayuu yiri Col Cali Aadan Humud.
"Ciidamadu waxaa ay marwalba tagayeen magaalo iyagoon Al-shabaab kula dagaallamin balse waxaa dhacaysay inay shacabku barakacaan oo ay ka cararaan guryahooda,waxaana jirta goobaha qar dadku inay u baahan-yihiin gar-gaar inay helaan" ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa DF oo maaalmihi lasoo dhaafay deegaano badan kala wareegayay Al-shabaab, ayaa hada hakad galiyay Howlgalkaas, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysay ineey Joojiyaan.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada