Topnews:- Xildhibaan Riino oo loo dilay joojinta Kaarka aqoonsiga dhalashada - Xisaabiye guud Salaama Bank ?

Topnews:- Xildhibaan Riino oo loo dilay joojinta Kaarka aqoonsiga dhalashada - Xisaabiye guud Salaama Bank ?

daajis.com:-Ila wareedyo kala duwan oo ka tirsan Sirdoonka Dowladda Somalia iyo Mudanayaal ka mida gudigga Maaliyadda Baarkamaanka Federalka ayaa sheegay in Xildhibaan Riino ay khaarijiyeen Ciidamadda sida gaarka u tababaran ee Ruuxaanta kuwaas oo hoostaga Wasiirka Garsoorka iyo Federalka Somalia Faarax Cabduqadir.

Xildhibaan Isaq Maxamed Cali {Riino} wuxuu ka tirsanaa gudigga Maaliyadda Baarlamaanka Somalia,wuxuuna ahaa Xisaabiyaha guud ee Bankiga Salaam.

Xildhibaanka oo da'diisa lagu qiyaasay 60 sano jir wuxuu safka hore uga jiray ololahii Baarlamaanka ku joojiyay Kaarka aqoonsiga dhalashada Muwaadinimada Somalia.

Xildhibaanka waxaa looga shakiyay inuu gudbiyay dukumiintiyadii cadeeynayay Xisaabaadka Akoonka .

Sarkaal ka tirsan Hay'ada Nabadsugida Somalia ayaa Waagacusub u sheegay in Xildhibaanka looga shakiyay inuu Baarlamaanka u gudbiyay Xisaabaad lacageedka ku jira koontada Kaarka aqoonsiga dhalashada ee Bankiga Salaam. 

{Kaarka Cadeeynta Muwaadinimada Somalia} 
Agaasimaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Jeneral Gaafoow ayaa maalin kadib markii la dilay Xildhibaan Riino wuxuu Muqdisho ku qabtay shir Jaraa-id.
Gaafoow wuxuu shaaca ka qaaday inay bulshada qaadanayaan kaarka aqoonsiga dhalashada isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay go-aankii Baarlamaanka ay ku joojiyeen qaadashada kaarkaas iyo xarunta dad dhigista.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Riino wuxuu qabiil ahaan u dhashay Beesha Mirifle gaar ahaan Jufadda Dumaal,waxaana la xaqiijiyay in loo dilay ololahiisii joojinta kaarka aqoonsiga dhalashada Somalinimo maadama bulshada Soomaaliyeed lagu dhibaateeyay loogana qaato lacago badan.

Dhaqaalaha ka soo baxa kaarka aqoonsiga dhalashada ee Xarunta dad dhigista waxaa maamula Shirkad uu leeyahay Wasiir Faarax Cabduqadir oo bulshada Muqdisho u taqaan NINKA DAAHA GADAASHIISA KA MAAMULA TALADA VILLA SOMALIA.

Ciidamadda hoos taga Wasiir Faarax ee RUUXAANTA waxay hore u khaarijiyeen allaha u naxariistee Xildhibaan Faysal oo taabacsanaa siyaasadda Ra'isulwasaare Saacid.



Si kastaba ha ahaatee, hoowlaha ka socda Muqdisho kama marqaati kacayaan hanaan Dowladnimo hasse yeeshee waa kuwa ku saleeysan dhaqaalo aruursi ,iyadoo maalmahii tegana uu soo ifbaxay khilaaf u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda Somalia.
By Dahir Alasow

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada