Fariimo Jaceyl :- Aniga Waan Ku Qanacsanahay In Uu I Dhaawaco Xittaa Haddii Aan Maalin Walba Wajigiisa Ku Ildoogsanayo

Fariimo Jaceyl :- Aniga Waan Ku Qanacsanahay In Uu I Dhaawaco Xittaa Haddii Aan Maalin Walba Wajigiisa Ku Ildoogsanayo

daajis.com:-Dareemaha qalbiga waxey u dhaqaaqaan codkiisa keliya,igama warhaayo xaalada aan ku suganahay,dadbaa igu yiraahdo waqtiga ayuu kugu dhameyeeyaa ee ka joog,laakin xitaa hadii aan talooyinka dadka qaadan lahaay,ma awoodo inaan ka fogaado, inkastoo aanan xamili karin kuleylka caashaqana,hadana marwalbo waan rajeynaa inuu isbedeli doono,Macquul ma tahay in qalbiga iyo maskaxdu aaney kala amar qaadan?

Waxaan isweydiiyey maxaey tahay xaaladaan aad ku sugan tahay? Maxaad u saadaalisaa jaceyl aan sal ku taagneyn? Aad ayuu qofkaan iigu dhow yahay,hadana wuu iga dheer yahay oo wuxuu iiga sheekeeyaa rajooyinkiisa mustaqbal,wuxuu iiga waramaa gabdhaha uu shukaansado qaar kamid ah,mararka qaarna talooyin ayuu isoo weydiistaa inaan ka siiyo arimaha dumarka.

Kuma dhiiran karo oo ma dhihi karo kaalay fiiri qalbigeyga xanuunka aad ku heyso. 

Waan maseyraa xilliyada qaarkood,laakin aniga ayaa hada isqabto maxaad ku eedeysaa wiilka illeyn kuma oga inaad ;jeceshahaye.

Mar waxaan go,aan ku gaaray inaan isaga tago magaalada uu ku nool yahay oo dhan,hadana fikrada ah inaan subax walbo dhoolacadeyntiisa arko,oo aan bariidida kala bogano daawo ayey u tahay naftaan samirka diiday,dhaawaca daloola ayuu igu reebay waana mid dhiigbaxaaya, inkastuu arko marxaladaha jahwareerka aan ku noolahay iyo riyooyinka malaawaalka ii dhisan wuu iska indhotiraan.


Dhaawaca uu ku reebay qalbigeyga dawadiisa waa asaga,xitaa hadii noloshu sidaan ku soo gebagebowdo cidna maskaxdeyda kama saari karto in maalin,saacad aan ka heli doono ilnugeyl.

Sida ii muuqata asaga kuma filno weli inuu tijaabiyo caashaqa mugweyn ee sanadaha ku dhow,waxey la tahay kahelid caadi ah,yaa u sheega inuu yahay hawadii aan neefsanaayey! Hadii aan waayana inuu garaaca wadnaheyga istaagaayo,Ilmadu habeen iyo maalin wey iga dareertaa saacadaha aan wada kaftameynana waxey ila tahay inaan ku noolahay dunida meesha ugu qurxoon ee loogu talagalay qalbiyada isku haraadanaa iney ku nastaan.

Aniga waan ku qanacsanahay inuu i dhaawaco xitaa hadii aan maalin walbo wejigiisa ku ildoogsanaayo,,yaa ugu warama in saacadu dheer yihiin markuu iga maqan yahay,Hurdadu ay indhaha ka guurto habeenkii.

Maxey ii tareysaa shalaayda ah maxaad ugu ogolaatay naftaada iney jeclaatay qof aanan kugu bedeley dareenkaas?

Hadii uu nasiibkeyga ahaan lahaa waxaan ahaan lahaa qofka ugu nasiibka badan dunida oo idil,farxadana waan ku dhameysan lahaa nolosha inta ka dhiman,laakin ma hubo riyadaas oo dhan iney ii hirgeli doonto.

Haseyeeshee waan jeclahay asaga,waana sii jeclaan doonaa saacadba tan ka dambeysa xitaa hadii aan doqoobo booska uu ku leeyahay qalbigeyga cid kale ma degi doonto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada