Ciiddanka Gaarka ee (EASF) oo ku soo biiri doona Hawlgalka la gula dagaalamayo Al-shabaab.

Ciiddanka Gaarka ee (EASF) oo ku soo biiri doona Hawlgalka la gula dagaalamayo Al-shabaab.

daajis.com:-Wasiiradda Gaashaandhigga ee dalalka Rwanda, Uganda, Kenya, Burundi, Comoros, Djibouti, Ethiopia, Seychelles, Somalia iyo Sudan ayaa shalay waxa uu kulan ugu soo idlaaday Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali.

Wasiiradda iyo Taliyayaasha Ciiddamadda ee lixdaasi dal ayaa ku heshiiyey baahida loo qabo Hawlgelinta Ciiddanka Khaaska ee loogu talagalay inay faragelin deg deg ah ku sameeyaan dalalka ay colaadaha sokeeye iyo kuwa argagixisadda ka dhacaan.

Madaxda waxay isku raaceen in Ciiddankaasi la hawlgeliyo bisha December ee sannadkan, si ay uga qeyb galaan Hawlgalladda looga hortagayo Kooxaha deganaansho la’aanta iyo falalka Argagixisadda ka wada dalalka ku yaalla Bariga Afrika , waxaana si gaar ah loo tilmaamay Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Ruwanda, James Kabarebe ayaa ugu baaqay dowladaha Ciiddanka ku soo biiriyey Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika The Eastern Africa Standby Force (EASF) inay Ciiddankooda u soo dhamaystiraan Inkaaniyaadkooda, si ay Bisha December u hawlgalaan.

Wuxuuna xusay inay Ciiddanka EASF qaban doonaan hawlgallo muhiim ah, oo ay ku jiraan sidii wax looga qaban lahaa colaadaha, burcad-baddeeda, kooxaha argagixisadda iyo Dembiilayaasha xuduudaha ka gudba .

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Difaaca Kenya, Julius Karangi ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inay Ciiddankaasi ku hawlgeli doonaan xilligii loogu talagalay, si ay wax uga qabtaan Kooxaha Argagixisadda ee khatarta ku haya Ammaanka Mandiqadda.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada