Mareykanka oo ka xumaaday heshiiska ay wada gaareen kooxada Falastiin - See more at: http://ilwareed.com/2014/04/mareykanka-oo-ka-xumaaday-heshiiska-ay-wada-gaareen-kooxada-falastiin/#sthash.SzN9XATk.dpuf

Mareykanka oo ka xumaaday heshiiska ay wada gaareen kooxada Falastiin - See more at: http://ilwareed.com/2014/04/mareykanka-oo-ka-xumaaday-heshiiska-ay-wada-gaareen-kooxada-falastiin/#sthash.SzN9XATk.dpuf

daajis.com:-Afhayeenka waaxda arimaha dibadda ee Mareykanka Jen Psaki, ayaa sheegtay inay ka niyad jabeen shaacinta heshiiska, waxayna ku andacootay inay burburineyso dadaalada nabadeed.

Waxay intaa raacisay in loo baahan yahay in Falastiin ay waajib ku tahay inay dowrto heshiisyadii hore ee ay ka mid ahayd inay aqoonsato dowlad Iraa’il ay leedahay iyo inay ka fogaato waxkastoo qalalaaso keeni kara.

Kooxaha iska soo horjeeday ee Falastiiniyiinta ee Fatax iyo Xamaas ayaa ku heshiiyay in lix bil gudahooda ay dhistaan dowlad midnimo oo lagu soo afjarayo kala qeybsanaan sanado badan soo jirtay.

Ra’iisul wasaaraha Israa’il, Benjamin Netanyahu, ayaa joojiyay wadahadaladii nabadeed ee uu kula jiray madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamud Cabbas, wuxuuna ku eedeeyay inuu nabadda Israa’il ka doorbiday tan Xamaas.

Afhayeenka dowladda Israa’iil Mark Regev waxa uu BBC-da u sheegay in madaxweyna Cabbas uu ka baxay heshiisyadii nabadeed. Ayna tahay inuu kala doorta nabadda Israa’il iyo Xamaas.

Xubin ka mid ah golaha sharcidejinya Falastiiniyiinta Mustafa Barquusi, oo ka qeybgalay kala saxiixashada heshiiska Fatax iyo Xamaas ayaa BBC-da u sheegay inay tallaabadan fududeyneyso guusha nabad lala gaaro Israa’il.

Mr Barquusi ayaa sidoo kale tilmaamay in Natanyahu uu sheegi jiray inuusan la heshiin Karin hogaamiye aan mataleynin dhammaan reer Falastiin haddana uu bilaabay inuu diio. Wuxuuna xaqiijiyay in tallaabada heshiiska ay muhiim u tahay wadaxaajood ka nabadda ee bariga dhexe.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada